Madaxweynaha Somaliland oo kulan La yeeshay Weftigii Safiirka Turkiga ee ku sugan Dalka

 



Madaxweynaha iyo Safiirku waxay isku afgarteen in kor loo qaado wax wada qabsiga labada dal iyo in dib loo sii ambo-qaado wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay aa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka turkiga u qaabilsan wadamada Somaliland & Somalia iyo weftigii uu hogaaminayey.

Kulankaas oo muddo saacado ah qaatay waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyn e ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici)waxaana lagaga wada hadl ay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya Soma liland iyo dalka turkiga iyo sidii ay ganacsatada Turkigu maalgashi uga samayn lahaayeen gu daha Somaliland, iyo sidii Dalka Turkigu uga furan lahaayeen Somaliland xafiis heer safaarad eed ah.

wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib warba ahinta la hadlay ayaa sheegay in safiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ay kulan is afgarad ku dhammaaday la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ballanqaadeen inay iskaashi kala samaynayaan Somaliland horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada , caafimaad ka iyo dimuqraadiyadda.wasiirka arrimaha dibadda iyo safiirkaMd. Biixi waxa uu sheegay in kulanka maanta la iskula qaatay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo somalia.

Safiirka dalka turkiga oo isna dhinaciisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiri doon aan kulamo dambe oo lagu sii xoonjinayo xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan, si habboona ay somaliland ugala shaqayn doonaan dhinacyada arimaha bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Safiirka iyo wafdiga dalak turkugu waxa kale oo ay maanta xafiisyadooda kulamo kula yeesh een wasiirka Md. Mxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aad an.



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland