Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka socday Dalka Imaaraadka Carabta

 


 


Madaxweynuhu waxa uu ka Guddoomay Danjiraha Imaaraadka Carabta Dukumantiga Lix Baabuur oo ay ugu Deeqeen SomalilandMadaxweyne axmed Siilaanyo


Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaa nyo) ayaa xalay qasriga madaxtooyadda casho-sharaf ugu sameeyay weftigii uu Hoggaa minayay Safiirka Imaaraadka carabta u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Maxamed Al-Os mani oo dalka booqasho rasmi ah ku yimid shalay.

Madaxweynaha Somaliland xaflada casho-sharafta ah ee uu u sameeyay danjirahaas wa xa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Is maaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Wa xbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md.Xuseen Ca bdi Ducaalle iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim.

Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Al-Osmani oo ka hadlay kulankaasi ayaa Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga mahad celiyay sida diiran ee ay weftigiisa ugu soo dhaweeyeen dalka, waxaanu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa xiligan ee Somaliland oo uu tilmaamay inuu qeyb ka yahay sii adkaynta cilaaqaadka ka dhaxeeya dalkiisa iyo Somaliland.

Maxamed Al-Osmani waxa uu madaxweynaha ku wareejiyay dukumantiga lix baabuur oo dawladda Imaaraadka carabtu ugu deeqday Somaliland, kuwaasi oo iskugu jira baabuur ta xumuulka iyo hal cagaf oo shaywal ah isla markaana todobaadka fooda innagu soo ha ya soo gaadhi doona marsadda Berbera.

Safiirku waxa uu intaas ku daray in ay dhaamam kala duwan oo waaweyn ka dhisayaan qaar ka mid ah deegaamadda Somaliland, isagoo balan-qaaday inay ka go’an tahay sidii loo taabo-gelin lahaa wax wada qabsiga labada wadan. Safiirku waxa kale oo uu majeert ay nabad-gelyadda iyo dawladnimadda shaqeynaysa ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay dawladda Imaaraadka kaalinta ay kaga jirto horumarinta Somaliland iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu uga mahad celiyay safiirka socdaalkiisa xiligan ee Somaliland waxaanu uga xog-waramay xaaladda guud ee dalka.

 


Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland