WAR-SAXAAFADEED

 

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:-

Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awq aafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashi nka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.



Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.



Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.



Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.



Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;



Wuxuu go’aansaday



In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.



1 Faysal Cali Sheekh
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Agaasime Guud

2 Axmed Cumar Faahiye
Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Agaasime Guud

3 Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Agaasime Guud

4 Saleebaan Jaamac Diiriye
Wasaaradda Maaliyadda
Agaasime Guud

5 Cabdirashiid Jibriil Yoonis
Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Agaasime Guud

6 Mudane, Maxamed Daahir Axmed
Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP
Maareeye


Ujeedo: Xilka Qaadis:-

Mudane,



Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.


Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency).

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.