Madaxweynaha Somaliland Oo Socdaal Ugu kicitimay dalka Ingiriiska



 

 


“Wax shirar ah oo aan ka qeyb galayo oo la iigu yeedhay ma jirto sida dadka qaarkood yidh aahdaan”

 


Hargeysa, October 28th, 2011 (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo) ayaa maanta iska fogeeyay inuu dalka Ingiriiska kaga qeyb galayo shirar loo qabanayo arrimo ka baxsan masaalixda qaranka, waxaanu sheegay in socdaalk iisu uu yahay fasaxiisii caadiga ahaa.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Ciga al International Airport ee magaalada Hargeysa saxaafada uga waramayay socdaalkiisa ayaa sheegay in inuu safarkiisu qaadan doono muddo ku siman afar todobaad.

“Waxaan safar ugu baxayaa dalka Ingiriiska oo aan muddo afar wig ah ku maqnaan doono oo aan fasax u tagayaa, wax shirar ah oo aan ka qeyb galayaa oo la iigu yeedhay ma jir to sida dadka qaarkood yidhaahdaan waxba kama jiraan arrintaasi fasaxaasi ayaan u ta gayaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray “Haddii aan tagase waa iska caadi inaan dalka aan tagayo madaxdiisa wax ka arko iyo inaan bulshada reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan aa n la kulmo oo dadka wixii dano inagaga xidhan yihiin aan kollayba kulamo yee lano.


Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu sheegay inuu ku sii hakan doono dalalka Jabuuti i yo Itoobiya isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Inta ka horaysa waxaan sii ma ray aa dalka Itoobiya iyo Jabuuti oo aan ku sii hakan doono jabuuti maanta oo qudha aya anu jo ogna. Itoobiya inaanu iyadana masuuliyiin iska aragno ayaa laga yaabaa waxaanan ka wada hadli doonaa danta Somaliland uun wax kale oo aanu u soconaa ma jirto.”

Madaxweynaha Somaliland waxa intii aanuka dhoofin dalka Madaarka Hargeysa ku sii sagoo tiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), W avvsiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumadda, waxa anu Madaxweynuhu waxaa uu madaarka salaam sharaf kaga sii qaatay cutubyo ka tir san ciidamada qaranka.

Madaxweynaha waxa socdaalkiisan ku weheliya Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aa mina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

 


Source: Somaliland.Org