Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray War-mu rtiy e ed ku saabsan Maalinta Aids-ka Adduunka

 


Hargeysa (Timacade News)-Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, wa xa uu Maanta Soo saaray War Murtiyeed ku saabsan Munaasabada Maalinta  AIDS ka Aduunka ee 1/12/2009 kuna began bari oo Salaasa ah.

Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaaya Cudurkaa afaada ee AIDS-ka, waxa uu  yidhi Sida lawada ogsoon yahay Cudurka AIDS-ku waxa loo aqoonsadey aafo culus oo heer caalami ah oo aan ku ekayn xuduuda, Midab, caqiido, jinsi iyo da, gaar ah balse wada saameeyay (haba kala darnaadeene)guud ahaan bulshooyinka ku dhaqan wadamada kala duwan ee dunida ee aynu sida joogtada ah macaamilka iyo isu  soc odka ula wadaagno.

Madaxweynuhu Isagoo si faah-faahsan uga hadlaaya xanuunka AIDS-ka ,sida  loog aala dagaalami lahaa Somaliland iyo talaabooyinka Xukumadu ay ka qaaday ka  hort aga Aafadaas AIDS-ka waxa uu intaas raaciyay.


Tan iyo markii dalka Somaliland laga dareemay jiritaanka cudurka HIV/AIDS-ka  wax ay xukumada Somaliland dedaal u gashay welina ugu jirtaa xakamaynta cudurkaas. Iyadoo lagu dhaqaaqay talaabooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Ururinta  xo go- caafimaad ooku salaysan xaqiiqooyin dejinta siyaasada qaran, barnaamij iyo  q orshe hawleedyo muddaysan oo wax lagaga qabanayo masiibadaas, soo jeedinta baaaqyo taageero lagaga raadinayo deeq-bixiyayaashu iyo barnaamijyo  wacyi galineed oo dadweynaha loogaga digaayo halista cudurka intaas ka sakow, waxay xukumaddu abuurtay ha’ad qaran oo u gaar ah hogaaminta iyo isuduwidda  barnaa mijyada kala duwan ee cudurka lagula tacaalayo .


Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo intaas kudaray.

“Dedaalka Xukumaddu ku dhaqaaqday,iyadoo kaashanayasa bulshada rayidka ah iyo taageerada ha’addaha caalamiga ah qaarkood waxay suurta galay in lagu  guul aysto Arrimaha ay ka mid yihiin tababaridda shaqaalaha ka hawlgala goobaha  ade eg yada caafimaadka, qaalabaynta iyo hurumarinta Shaybaadhada cusbitaalada, furidda xarumo daawayn ,talo-siin iyo daryeel oo lagu diyaariyay adeeg caafimaad iyo daawooyin kala duwan oo lacag la’aan ahiyo wacyigelinta guud ee mar walba dadweynaha loo jeediy. Saas oo ay tahay, hadaba, dawladda Somaliland marnaba ka daalimayso la-dagaalanka cudurka HIV/AIDS KA waxaanay qaadaysa talaabo kasta oo ay kaga badbaadinayso bulshadda Somaliland.

Gabagabadii waxa uu Madaxweynuhu ku booriyay Shacbiga Reer Somaliland gaar ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada in si hagar la aan ah uga qayb qaataan hawlgalada lagula tacaalaayo faafida cudurka HIV/AIDS-ka isla markaasna naxariis iyo soo dhawaayn ay umuujiyaan, gargaarna u fidiyaan dadka xanuunku helay ee bulshada ka midka ah.




Allaa Mahadleh


(Siciid Cadaani Mooge)
Af-hayeenka Madaxtooyadda