Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Aadan Sanweyne




Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wax a uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Gu ud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariisteeMARXUUM, XILDHIBAA N AADAN SHIRE FAARAX (SANWEYNE), oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo shalay ku g eeriyooday Shil ka dhashay daad qaaday gaadhigii uu saarnaa oo uu dooxa Lafa-ruug la te gay kaasi oo u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumkaasi ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay bulshada Som aliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u heshiisintii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa intii ku geeriyootay shilka asi ee la saarnayd gaadhiga xildhibaankaasi geeriyooday.


Madaxweynhu waxa uu Marxuumka iyo intii la socotayba illaahay uga baryayaa inuu Naxar iistii Janno ka waraabiyo.

waxa kale oo madaxweynuhu uu intii ku dhaawacan tahay shilkaasi alle uga baryayaa inuu ka shaafiyo dhaawacaasi, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL