Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiir ku xigeenka UK u fadhiya Itoobiya

 

Madaxweynaha JSL iyo safiir ku xigeenka Ingiriiska Mr Marshall, waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada siyaasadda ee JSL, nabad gelyada iyo geedi socodka dimoqraadiyadda ee Somaliland ay ku caano maashay

Mr Marshall waxa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho haya’ddo kale oo ay ka mid yihiin Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta Siyaasadda ee Qaranka.

Madaxweynaha JSL Mudane Daaahir Rayaale Kaahin iyo safiirka safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa Mr Marshall waxa ay ku heshiiyeen in kulan dambe ay yeelan doonaan berrito si ay u sii ambaqaadaan wada hadaladii maanta dhex maray.

 


Alla Mahad leh

 


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL