WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreet o madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2129/102013
xilkii uu qaranka u ha yey kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda
Duulista Hawada, Mudane, Axmed Dalal Fa arax isaga oo madaxweynuhu
xilkaasina u magacaabay Agaasime cusub.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Duulista Hawada ah ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay
jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee
JSL.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mudane Axmed Dalal Faarax
ee uu Digreetada xilka ka qaaday ku yidhi
Mudane.
Waxa aan kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka
Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan
karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso
xilka aad haysay Mud ane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, oo aan
xilkaa isaga ah u magacaabay.
Waxa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, oo ay warqadani ogaysiin
ugu socoto, la faraya a in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawa da ee JSL.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|