Madaxweynaha Somaliya Sh Shariif oo ku dhawaaqay inuu ma gacaabayo Guddi furta wadahadalada ay xukuumaddiisu la yeelanayo Somaliland

 



Waxa uu ka jawaabay Eedo sheegay in Ictiraafkiisa Khaatumo burburinayo Somaliland iyo Puntland
 

Muqdisho (TNN) Shiikh Shariif ayaa sheegay in la hilmaami karin Somaliland inay qayb weyn ku laha ayeen xoreynta dalka iyo midnimadiisa, isagoo sheegay inay ka hirgeliyeen deegaannadooda horu mar dhinaca nabadda iyo siyaasadda ah taasoo aan la inkiri karin.

“Dowladda KMG ah waxay diyaar u tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u saarto guddi si wada hadal loola billaabi lahaa walaalaheen Somaliland, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadda billaabat ay,” ayuu yiri Shariif Sheek Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in dawladda KMG ah ay ka shaqeynayso burburinta ma amullada dalka ka jira, balse wuxuu sheegay inay taageerayso DKMG ah horumarka iyo midnimado oda, isagoo sheegay inay u haystaan inay tahay guul ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay.

Sidoo kale, Shariif Sheekh wuxuu sheegay in dowladda KMG ah aysan albabbada ka laabanayn dad ka cabashada qaba, balse ay u furayso cid walba oo wax tabanaysa, waajibna ay dowladda ku ta hay inay raadinno fursad lagu mideyn karo Soomaaliya oo dhan.

“Baryahaan waxaa suuqa aad ugu jiray dowladdu waxay ka shaqeynaysaa inay burburiso Somalila nd inay burburso Puntland taasna waxba kama jiraan, Annagu waxaan u arkaynay soo dhaweynta Khaatumo State arrin dan Soomaaliyeed ku jirto, ujeedaduna ay tahay in dadka la wada hadashiiy o nabadna lagu wada noolaado, taasna waan kala hadalnay walaalaheen in dowladdu aysan waxb a bur-burinayn balse ay wax dhisayso,” ayuu yidhi Shiikh Shariif .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu xusayay maalinta haweenka ad duunka ee 8-da Maarso oo ka dhacday Muqdisho, wuxuuna ammaan u jeediyay haweenka iyo door ka ay kaga jiraan horumarinta bulshada

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada ka jawaabin qaabka ay noqonayaan wada h adalada loo furayo Somaliland iyo Somaliya iyo cida fulinaysa hawshaas. Sidoo kale waxaanay ka hadal Eedaha uu ka jawaabay Sh Shariif ee ka dhashay taageerada uu u fidinayo Maleeshiyada Khaatumo ee dagaalka kula jirta

source:waaheen

 

 


.