Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta tagay magaalada Ankara ee waddanka Turkiga, halkaasi oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Turkiga oo ay wada kulmeen ayay ka wada hadleen iskaashi dhinacyada, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha

Madaxweyne Shariif, ayaa beri u amba bixi doonaa magaalada Istanbul, ee isla waddanka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Ahmed iyo wasiiro ka tirsan dawladdiisa ayaa ka qayb gali doona shirweyne toddobaadka soo socda lagu qaban doono magaalada Brussels ee xaruunta Midowga Yurub.

Shirweynaha oo ay wadajir u guddoominayaan QM iyo Midowga Africa ayaa deeq loogu uruurinayaa Soomaaliya, si wax looga qabto ammaanka iyo hawlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

 



BBC