Madaxweyne, Taariikhdu Iyadaa Dib Isu Soo Celisa Ee Culayska Ha Isku Sii Badinin

 


Faalo:

Waxay ahayd muddo haatan laga joogo laba sanadood markii aan bilaabay  qo ritaanka maqaal aad u dheeraa oo lix bilood si joogto ugu soo bixi jiray  warge yska Haatuf, cinwaankiisuna ahaa Riyaale hogaamiye lagu hungoobay .

ujeedadaydu ma aha in aan dadka wakhtiga kaga lumiyo xusuusinta  maqaalk aasi laakiinse waxa muhiim in aan dadka xusuusiyo arrimo badan oo berrigaa aan maqaalkaasi ku sheegay in maanta la arkay. Mana doonayo in aan wax badan maanta qoro hase ahaatee waxa aan idin xusuusin doonaa qaybo ka mid ah maqaalkaasi.

Tusaale ahaan qaybtii 21-aad ee maqaalkaasi oo kusoo baxday wargeyska  Ha atuf cadadkiisii 1725-aad oo soo baxay bishii May 11, 2008, ayaa waxa ka mid ahaa qoraalkiisii sidatan “Ugu dambayntii waxa mar kale la gaadhay  dham aadka wakhtigiiku meel gaadhka ahaa ee Xukuumadda Riyaale. Dhamaan  dad ka reer Somaliland ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisu waxa ay si isku mid ah dhegta ugu taagayaan dhawaaqa ka soo yeedhi doona Xukuumadda Riyaale marka la gaadho daqiiqadaha ugu dambeeya ee cimrigeeda.

Shacbiga reer Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa ayaa waxa ay ku kala  ara gti duwan yihiin saadaasha laga fili karo Madaxweyne Riyaale marka ay  dham aato ajasha xukuumadiisu waxa uu sameyn doono.Ugu horeyn, dad badan ayaa waxa ay aaminsan yihiin in aanu Madaxweyne Riyaale dheg jalaq u siin doonin haddii la yidhaahdo muddadii baa kaa dhamaatay ee bal xal keen iyo hadii kale toona, sababtoo ah bay leeyihiin Riyaale waa nin ku adag go’aanka uu gaadho mana jirto cid keli ah oo la odhan karo wax buu ka maqlaa ama waa ay qaban kartaa Madaxweyne Riyaale.

Dadka sidan ku doodaya ayaa waxa ay daliishanayaan in Madaxweyne Riyaale uu horeba u diiday ka noqoshada go’aankiisa, waxana ay tusaale usoo  qaada nayaan in Madaxweynuhu uu ka baxay go’aankii wada jirka ahaa ee ay wada gaadheen isaga iyo gudidii ka koobneyd salaadiinta, culima aw diinka iyo  abw a anada, iyadoo xitaa uu Madaxweynuhu gaadhay heer uu aflagaado iyo hadalo meel ka dhac ah uu kula kacay abwaanka weyn ee Hadraawi oo gudida ka mid ahaa, taas oo fajiciso ku noqotay dhamaan dadka reer Somaliland.

Dad kale ayaa iyaguna ku doodaya in Madaxweyne Riyaale uu horeba u  gaad hay go’aan ah in uu kursiga ku sii fadhiyo cid alaale cid wax ka qaadi kartaana aanay jirin, dadka fikirkan qaba ayaa waxa ay leeyihiin Riyaale waxa uu isku haleynayaa ciidamadan faraha badan ee uu taxay min Hargeysa ilaa  Laascaa nood, ciidamadan oo weliba si dhib yar dadka u toogta, qudhana uga jara iy ada oo aanay jirin cid ka daba tagta ama la xisaabtanta oo ka baqanayaan, kuwaas oo aad moodo in ay ku shiish baranayaan muwaadiniinta aan waxba galabsan.

Ciidamada ayaa iyaga oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan waxa ay dhooban yihiin goolad kasta oo ka mid ah wadooyinka magaalada  Harge ysa, iyagoo weliba si aad u fool xun ula dhaqma shicibka gaadiidka wata, mar marka qaar waxa ay gaadhaa in ay ciidamadu si bilaa macni ah oo aanay u kala aabo yeelayn ay toogasho qudha ugaga jaraan dadka shicibka ah ee habeenkii gawaadhida wata.

Qaar kale oo ka mid ah dadweynaha ayaa waxa ay qabaan fikrad odhanaysa, Madaxweyne Riyaale oo ah hogaamiye aan khibrad badan u lahayn  siyaasad da iyo dimuqraadiyadda uu caalamku ku dhaqmo ayaa waxa uu ku deyanayaa ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, oo doorashooyinkii dalkiisa ee sanadkii 2005-tii ku kacay falal ka dhan ah dimuqraadiyada oo ay ka mid ahaayeen xadhigii mucaaradka, dilkii aan kala sooca lahayn ee ciidamada  Mel es Zenawi ay ku khaarajiyeen boqolaalkii qof ee ka mudaharadaay magaalada Addis Ababa, iyo xadhigii uu kula kacay suxufiyiinta.

Iyada oo uu Meles Zenawi ku kacay waxaas oo khaladaad ah ayaa uu  hadda na weli uu kursigii ku fadhiyaa isaga oo khasab ku haysta awooda  dalkiisa Sidaa darteed ayaa madaxweyne Riyaale waxa uu hore u sii qorshaystay in uu soo min guuriyo qorshahaa khaldan ee uu ku kacay Meles Zenawi ee dilka iyo cabudhinta ku salaysan.

Dadka fikradan qaba ayaa waxa ay ku doodayaan in Madaxweyne Riyaale uu imikaba bilaabay fulinta qorshihiisan uu ka soo dheegtay Zenawi, waxana  cad ayn u ah dilkan ay ciidamadu sida dhibta yar u laynayaan shicibka, muddo  kor dhintan bilaa sharciga ah ee uu xilka ku kordhistay isaga oo Guurtida  adeegs anaya iyo falal kale oo kali talisnimo ah oo uu Madaxweynuhu ku dhaqmayay mudooyinkan ugu dambeeyay.

Halka dad badani ay aaminsan yihiin in Riyaale uu qabo kalsooni aad u weyn oo ah in aan cidina kula xisaabtamayn ficil kasta oo uu sameeyo, mar haddii horeba loogala xisaabtami waayay khaladaadkii isdaba jooga ahaa ee uu ku kacayay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo taariikhdu markay ahayd 14/05/2003”

Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay xukuumadda Riyaale bilaa sabab ku leyso dadweynaha aan waxba galabsan hadana falkii foosha xumaa ee shalay ay ciidanka bileysku sida badheedhka rasaasta ula dhaceen  dadw eynihii mudaharaadayay, kaas oo ay ciidanku ku dileen 4 qof 20 kalena ku  dh aawaceen ayaa waxad moodaa in ay bilaw u tahay bog cusub oo ay  xukuuma dda qayrul sharciga ah ee Riyaale ay shalay bilawday, taas oo wixii imika ka dambeeya luuqada ay xukuumaddu ku hadli doontaa ay tahay rasaas nool oo laga hor geyn doono cid kasta oo isku deyda inay ka gil gilato falalka khaldan ee xukuumadda.


Ugu dambeyntii waxa aan kusoo geba-gabaynayaa, madaxweyne taariikhdu iyadaa dib isu soo celisa, shacbigani waxay kaa tirsanayaan tabashooyin  bad an tan iyo markii aad dhaxashay kursigii ugu mudnaa dalkan, kaddib geeridii marxuum Cigaal, ee ka fiirso talaabooyinka dambe ee aad qaadayso si aanay culayska ugu sii kordhin cabashooyinkii badnaa ee markii horeba ku saarnaa.

 

 

Maxamed Cismaan Dubbe