“Madaxweyne Berri Tegaya Masiirkayaga Iyo Ka Caruurtayada U Iibin
Mayno, Dadkayaguna Doorasho Gellimaayaan Waananu Gubaynaa Waraaqaha
Diiwaangelinta Laftooda”
Xuseen Cawaale Warfaa Oo Ka Mid Ah Odayaasha Reer Boorama
Xuseen Cawaale Warfaa oo ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Reer
Boorama horena mar uga ahaan jiray Maayer magaaladaasi, ka hor
doorashooyinkii dawladdaha Hoose, ayaa sheegay inay wax garadka,
Odayaasha iyo Aqoon yahanka Boorama ay ka arin sanayaan, isla
markaana ay bayaan dhakhso ah ka soo saari doonaan natiijada
diiwaangelinta gobolada, taas oo uu sheegay inay gobolka Awdal
diiwaangelintu ka ahayd diiwaangelin, halka gobolada kalena uu ku
tilmaamay inay ka ahayd Tiro Koob, taas oo uu sheegay in Caruurtii
yar yarayd xataa la Diiwaangeliyey.
Xuseen Cawaale Warfaa oo u waramayey Idaacada Radio Horyaal ayaa si
weyn uga soo hor jeedsaday Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka
socota Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay u dhicin si caddaalad
ah, isla markaana haddii wax laga qaban waayo aanay aqoonsanayn
diiwaangelinta, gobolka Awdalna aanay ka dhici doonin wax doorasho
ahi, waxa kale oo uu intaasi ku daray inay gubi doonaan waraaqihii
diiwaangelinta ee ay qaateen.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay isaga oo dhamays tiran sidan:-
Ma jirtaa inaad Qaadacaysaan Natiijada diiwaangelinta ee gobolka
Awdal?
J: “Haa way jirtaa imikaan shirkeedii ku socdaa waxa weeyi arinta
diiwaangelintii waxa loo badalay tira koob anaga waxay nagu soo
martay wax la yidhaahdo diiwaangelintu 18 jir wixii ka hooseeya la
diiwaangelin maayo waliba waxa weeyi dhibaatada naga soo martay
Boqolaal jeerbaa sanaaduuqdii la bedalay oo haddii aan tusaale kuu
soo qaato kii Abu-qays waxa la geeyey meel la yidhaa magaceedii baa
iga baxsadaye lixda sanduuqba mid walba meeshiisii laga bedalay.
Laba maalmood baan diiwaangelinta galay oo kaliya markay naga
tagtayna dadkayagii waxaa is diiwaangeliyey 50%, 50na way hadheen,
dabadeed markay naga tagtay ee ay Hargeysa tagtay waxaa loo bedelay
tira koob caruurta gambadho lagu fadhiisiyey dadkii tirinayey baa
goobjoog ka ahaa iyo hay’addihii taa waxaa ka masuul ah ciddii
xilkaa loo dhiibay”
S: waxaad sheegtay in arinta tira koob loo bedalay, waxaad la
socotay diiwaangelinta gobolbaa idinka horeeyey gobolka Saaxil buu
ahaa oo diiwaangelin laga soo sameeyey gobolkii labaad baad
ahaydeene Kumpuyuutarada is weydaartay iyo arimahan aad ka
cabanaysaana gobol walba bilawga hawshaasi way ka dhacaysay waamaxay
dareenka imika keenay arintaasi markii goboladii oo dhan
diiwaangelintii oo gobolkii ugu dambeeyey uu maanta socdo sababta
aad areenkan u keenteen?
J: “waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay
noqotay nin leh baa goosanaya waxa weeyaan sida aanu anaguna u
noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay
dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer anagu mise goor walba cidhiidhi
iyo cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad
sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali
waayaba”.
S: gobolada oo dhan diiwaangelin isku mid ah ayaa laga sameeyey ta
kale cidan aad ku eedaynayso oo aad leedahay ciddii lahayd baa u
tashatay madaxweynaha Somaliland waa nin ka soo jeeda gobolka Awdal
waa masuulka ugu sareeya ee qaranka isaga ayaanay diiwaangelintu ka
timid isagii illaa imika waa uu ku qanacsan yahay wixii ka soo baxay
markaa miyaan la odhan Karin wixii aad shalay doonayseen baad maanta
diidaysaan?
J: “anigu Somaliland ma diidanin horena waan u doonayey inaan
doonayeyna adaa ogoo meel walba waan u maray Somaliland
jiritaankeeda laakiin ma ogoli in Somaliland lagu baabiiyo masiirka
iyo aayaha ubadkayga iyo aniga kayga in lagu baabiiyo marabo oo dad
dan lihi ay ku baabiiyaan madaxweynahana ubadka reer Awdal u iibin
mayno barituu xilka ka degayaa waxa weeyi nalagu beerlaxawsan maayo
oo arintu waa sidaasi haddii wax laga badeli waayo yeeli mayno
haddaaban ku leeyahay”.
S: Madane xuseen waxaad sheegtay in 50% dadka reer awdal is
diiwaangeliyeen gobolada kalena waxaaba la leeyahay 30% iyo 40% baa
is diiwaangeliyey markaa meesha 50% is diiwaangeliyeen najax bay u
muuqanaysaa Sababata aad imika u diidantihiina waxaad tidhi
tirooyinkan gobolada ay soo baxeen ayaa walaaca keenay miyaan la
odhan Karin markaa idinka ayaa arintaa ku degdegay?.
J: kumaanaan degdegin oo waxaa la yidhi haddaan ciyaarta maxaygaa
loo lahayn habeenkii maxaa loo tumanayaa gambadho iyo kuraas baa la
dul saarayey caruurta yaryar waxaana weeyi caddaaladda is
diiwaangelintuna sidaa maahee 18 jir wixii ka sareeya ayaa is
diiwaangeliya markaa waxaan ku idhi anaga dumarkayagu madhalays
maaha. Illaa 1969-kii waxaa halkan waxaa halkan ka footaysay 34,000,
Hargeysana sidaa si leeg bay ahayd anagu Somaliland waxaanu nahay
organ-ka kaliya ee u daacada ayaanu nahay, balse waxa weeyi tartan
siin qabiil qaran laguma noqdo, haddii wax laga badali waayo waanu
ka baxaynaa somalilandna Jiri mayso haddaan ku leeyahay”.
S: Xuseen waxaad sheegtay hore in Togdheer iyo Hargeysa aad uga
badanaydeen markaa dadku waa ay isyaqaanaan xuseen markaa miyaad
aaminsantahay in tirada ka soo baxaday hargeysa iyo Togdheer aad ka
badanaydeen haddaad reer Awdal Tihiin?
J: Maya ma aamin sanin inaanu ka badanahay, xaqiiqda ayaanu ka
dulaynaa kama badnine way naga badan yihiin, laakiin waxa weeyi xaq
inta ay leeyihiin ha qaataan anaguna intayada aanu qaadano waxa
weeyi cadaalad baanu rabnaa anagu”.
S: Xuseenoow goboladan dhexe haddii ay ka dhacday da’da la
diiwaangelinayo in ka yar la diiwaangeliyey waxa la inoo sheegay oo
uu komishanku inoo sheegay in servarka marka dadka la geliyo uu kala
saarayo cidii markaa aan ku haboonayn intii loo qorsheeyey uu ka
saari doono taa miyaad ku qanci ladihiin?.
J: Anuu ma maqal waxaa aad sheegayso naloomana sheegin waxa weeyi
marka hore maxaa loogu ogolaaday ayaa meesha taala doqon waxaa la
yidhi waana la siraa waana la sababaa waana lagaga baxaa waxa weeyi
anagu inta aanay waxaasi dhamaan, haddii Conclution hagaagsan aan
helno oo caddaalad ah waxba kama qabno Somaliland waanu nahay
anaguun nalagu dili maayee waan diidnay dadkayaguna doorasho
galimaayaan waananu gubaynaa waraaqaha laftoodaba”.
S; Arintan maad ka wada socotaan masuuliyiintiina dawladda ku jirta
iyo shacabkaba miyay ku wada socdaan wasiiradii xukuumadda ee
gobolka ka soo jeeday miyay kula socdaan?.
J: “Wasiiro ma rabno wasiiradu waa daba dhilifyo ma rabno
madaxweynuhuna isagu jiritaankiisuu ka hadlayaa anaguna eedayn mayno
laakiin waxa weeyi wixii waday diiwaangelinta ayaa xadkii ka leexday
namana khuseeyaan”.
S: Waxaad ii sheegtay inaad ku socoto shir maxaa idiin go’aana ee
idiin meel yaala hawsha diiwaanglintu waa gebogabo waxaana la
gelayaa doorasho?
J: waxaa noo go’aan ah degdeg baan baaq u soo saaraynaa, Saylac ilaa
lughaya ilaa iyo waxa gobolka Awdal jooga ma galayaan doorasho
haddii wax laga bedeli waayo qabiil ma kala adka”
S: Xuseenoow dadku waa dad isku mid ah waa dad Somaliland ah gobolo
uun baa la kala degan yahay dad kala maarmaya oo meel kala tagaya
maaha waxaa dad badani is weydiinayaan sababta xiligan keentay inay
tahay maadaama ay doorashadii soo dhaw dahay oo arintaa madaxweynaha
soo bixitaankiisa dambe ay aad uga dayrinayaan ayaa arintan keentay
oo jirto qiiq isku qarin wayni taas miyaan la odhan Karin?
J: Ma anaga? Anagu Qiiq isku qarin mayno waxa weeyi wixii cadaalad
ahna diidi mayno madaxweynuhuna waa gobolka Awdal, Madaxweynaha
Masiirkayaga iyo masiirka caruurtayada u iibin mayno waa sidaas oo
baruu baxayaa waxa weeyi cadaalad baanu rabnaa.
Arintan ayaa ah mid ay inta badan dadka ku nool gobolka Awdal ay
aamin san yihiin in diiwaangelintu gobolada kale lagu shubtay, taas
oo ka dhalatay kadib natiijooyinkii diiwaangelinta ee gobolka
Togdheer oo ay ka soo baxday tiro xukuumadda Rayaale aanay
filanaynin, taas oo ku kaliftay xukuumaddu inay gobolka Sool iyo
Sanaag oo aan qorshaha diiwaangelinta hore ugu jirin ay ogolaato
inay bixiso kharashka ku baxaya hawl wadeenada diiwaangelinta si ay
halkaa uga soo baxaan codad lagu dheeli tiro tirooyinka ka soo baxay
Togdheer iyo Hargeysa.
Haatuf
|