Madaxweyne Geelle oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo Diblomaasiyadeed oo African union ka loogu Bandhigayo Qaddiyada JSL

 


Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu bilaabay hindise cusub oo uu ku doonayo in xal loo helo qaddiyada aqoonsiga Somaliland ka dib markii uu ka rajo beelay isku dayo la doonayay in dawlad dhexe loogu sameeyo dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, taas oo uu Madaxweynaha Jabuuti hormuud ka ahaa dadka sida weyn iskugu hawlay sidii Soomaaliya looga dhisi lahaa dawlad.

Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa tibaaxay in Madaxweyne Geelle haatan aanu keli ku ahayn hindisahan , balse ay kula jiraan madaxda dalalka Itoobiya , Kenya , Uganda iyo dawlada Maraykanka , waxaanay wararkani sheegayaan in madaxda dalalkani ay ka wada tashanayaan sidii ay midowga Afrika ugu qancin lahaayeen in aqoonsi la siiyo Somaliland , ka dib markii ay isku isku dayo fara badan oo ay midowga Afrika iyo beesha caalamku ku doonaysay in arrinta Soomaaliya laga midho dhaliyo , isla markaana dawlad cago adag ku taagan loo dhiso ay fashilmeen.

War kale oo laga soo xigtay diblomaasiyin jooga Kenya ayaa iyaguna sheegaya in dawlada Kenya iyo dawlada Uganda ay Cabdillaahi Yuusuf ku qanciyeen inaanu is hor taagin aqoonsiga Somaliland , taas oo la sheegay inuu dabacsanaan ka muujiyay markii uu dh awaan Ismaaciil Cumar Geelle fariin arritnaasi ku saabsan uu u gudbiyay Cabdillaahi Yuusuf.

 


 


Source: Haatuf