WAR-SAXAAFADEED

 

 




31/03/2012



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-1017/032012, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda So maliland;



Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Booliisku u leeyihiin dhismaha Qaranka;



Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL;



Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;



Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;



Wuxuu go’aansaday



In Mudane, Cabdilaahi Fadal Iimaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidan ka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.


 


ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.