Madaxweyne halkaad Xirsi, Cukuse iyo Ilkacasi ad hogaami la heyd, waxa ka wacan adigoo hogaamiya Qeybe,

 


Markale waxan runtii daba socdaa qoraalkeygii ciwaankiisu ahaa WAFTIGA MADAXWEYNUHU HOGAAMIN DOONO WAA INUU KOW KA AHAADA MADAXWEYNIHII HORE EE RIYAALE, Waxan leeyahay madaxweyne dalkan iyo taladiisa ba waanu kula leenahay ee maha mid ad adigu kaligaa leedahay, waxa lagugu soo doortey cod ee xoog nagumaad qabsan, talada wanaagsan waa mid dalka iyo dadka ba wax u tareysa ee maaha inaad xumaata iyo xasadka iyo xiqdiga xaggiisa u badato oo ad waxkaste dhinac xun ka ee gto, niyadaadan u sheegto inaad tahay madaxweynihii JSLand, mudane Rayaalena yahay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UDUB, taasno aaminsanahay madaxweyne cuqdada iska saar.

Bal ka waran sida uu noqon doono sawirka iyo sida uu caalamku idin arki doono adiga oo ah madaxwey nihii talada dalka ku guuleystay oo gacanta heysta madaxweyihii u talada dalka kala wareegay oo ad wada qosleyasan iyo gudoomiyihii xisbiga UCID oo garbkaaga taagan oo ad wada sheekeysaneysan bal sawirkaasi marka uu idin ku dhaco bal madaxweyne ka waran caalamku sida uu idin soo dhaweyn doo no habka ayn noqon doonto, waxan filayaa haddii uu sawirkaasi dhaboobo in uu caalamku maalmo ka dib ina aqoonsan doono, haddiise ad laba SHARIIF NOQOTAN CAALAMKU dhabarkoo idin soo jeedin doo na oo runtii sharaf dhac baa soo hoyn doonta madaxweyne

Waxanse illaahey kaga baryayaa inuu dariiqa wanaagsan ku garansiiyo oo habdhaqanka xun ee qabiili ga ah ka meydha si ad qarankan ugu noqoto madaxweyne qaran, halkaad Xirsi, Cukuse iyo Ilkacasi ho gaami la heyd waxa kaga wanaagsan adigoo Qeybe, Riyaale iyo Faysal gacanta qabsada

Haddii uu madaxweyne rakaabaagu xumaado oo muuqaalkooda iyo aragtidoodu ba noqdaan kuwa liita caalamku hoos buu inoo eegayaaye ogo, waxa loo baahan yahay inaad xulato hal doorka aqoonta leh ee siyaasada magaca weyne ku leh ee madaqada iyo caalamka ba la yaqaano - taladeydo waa taa nin diida iyo nin yeela ba

Wa bilaahi tawfiq

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway