Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Jabuuti u anbabaxay
Hargeysa (LLSL) Madax Weyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Yusuf Yaasiin , ayaa u anba baxay waddanka Jamhuuruyadda Jabuuti. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa safarkiisa ku weheliyey Wasiirka Dalxiiska, Mudane Cabdirisaaq Waabari Madaxweyne ku xigeenku,wuxuu sheegay in socdaalkiisu yahay mid shaqo iyo mid caafimaad laBadaba,isla markaana uu marti qaad rasmi ah ka helay dawladda Jabuuti. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,
wuxuu intaa ku daray inay dawladda Jab uuti ka wada hadli doonaan,
xidhiidhka labada dal iyo dhamaystirka heshiisyadii ay hore u wada
gaadheen labada xukuumadood.
LLSL News Media
|