TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN

 

 

09/05/2016


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaa hi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, isagoo ku hadlaaya magacii sa, iyo kan shacabka Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelad ii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Marxuum Eng Xuseen Cabdi Cali oo maanta 09.05.2016 ku geeriyooday Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, horena wa xa uu u ahaa Maareeye ku-xigeenkii hore Hay’adda wadooyinka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 


Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.