Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Hogaa miyayaasha Mucaaradka Oo Kulmay

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Hogaamiyayaasha  la bada Xisbi Mucaarid Feysal Cali Waraabe iyo Muse Biixi Cabdi oo ay wehelin ayaan labadooda ku xigeen ee Aadn Max’ed Mire(Waqaf) iyo C/raxmaan  C / qaadir ayaa kulan ay Albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Xarunta Mad axtooyadda ilaa hadana wax war ah lagama soo saarin.

Balse wariyayaasha oo markii ay kulankaa ka soo baxeen wax ka weydiiyay ayay kaga gaabsadeen inuu kulankaasi la xidhiidhay dhamaystirka hawlaha Doorashooyinka isla markaana uu jawi fiican ugu dhacay


Kulankan ayaa sida la filayo wuxuu la xidhiidhaa is mari waa saddexda Xisbi qaran ka soo waafajahay fulinta Heshiisyadii ay dhawaan wada gaadheen taasoo kulamo ay toddobaadkii hore wada yeesheen ay ka soo saari kari waayeen wax horumar ah


Beri ayaa waxa loo balansanaa in dib la isugu soo noqdo si wadahadalada loo sii wado balse kulankan ayaa u muuqda inay adag tahay xal u helida khil aafka ka dhashay fulinta go’aamadii la wada saxeexday oo ahaa ku qabyo ah oo dhamaystirkooda dib loo dhigtay ilaa hadana murugsan.

 


Waaheen