Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo La Filayo Inuu U Kici Timi Doono Cariga Ingiriiska Iyo Ujeeda Socdaalkiisa.
 

 


waxaanay ilo wareedyadu tibaxaayaan in ujeedada socdaalka madaxweyne ku xigeenku salka ku hayso ka qaybgalka xuska .....


Hargeysa (TNN)- Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ay aa la sheegay inuu Arbacada todobaadkan safar ugu kicitimi doono UK. Sida ay Shabakada Timaca de News u xaqiijiyeen ilo u dhuun-daloola Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiarxmaan Saylici ayaa sheegay in isaga iyo wafti uu hogaaminayaa ay maalinta Arbacada todobaadkan u socdaali doonaan dalka Britian,.

waxaanay ilo wareedyadu tibaxaayaan in ujeedada socdaalka madaxweyne ku xigeenku salka ku hayso ka qaybgalka xuska munaasibada 22-guurada ka soo wareegtay xilligii lagu dhawaaqay gooni isku taaga madaxbanaanida Somaliland oo ku began 18-ka bishan May 2013-ka, taas oo shacbiga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK la sheegay in madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wafti uu hogaaminayaa ay kala qaybgali doonaan xuskaasi.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland