Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Furay Waaxda Maal-gashiga Ee Wasaaradda Ganacsiga
 



Hargeysa (TNN):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Say lici) ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu furayay xafiiska maal-gashiga ee wasaarada ganacsiga kaas oo munaasibad loogu qabtay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargaysa.

Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada wasaaradaha gana csiga, qorshaynta qaranka, xanaanada xoolaha iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacasiga Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Ganacasiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xafiiska maal-gashigu wax weyn ka tari doono waaxda maal-gas higa ee wasaarada dhawaan lagu soo kordhiyay.

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa intaa ku daray in shaqadiisu ay noqon doonto xafiiskan sidii uu dalka ugu soo jiidi lahaa maal-gashadayaal badan oo ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xafiiska maal-gashiga ee wasaarada ganacsigu uu ka qayb qaadan doo no horumarinta dhaqaalaha dalka, kaas oo uu sheegay in aan looga maarmin hawlaha ganacsiga.

Madaxweyne xigeenku waxa uu xusay in xafiiskani uu wax ka tari doono dhinacyada kor u kaca dhaq aalaha, shaqo abuurka waxaana uu ku bogaadiyay masuuliyiinta wasaarada Ganacsiga tallaabada furitaanaka xafiiskaas.

Wasiirka wasaarada qorashayanta qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay mudnaanta uu xafiisakani u leeyahay Ganacsiga dalka iyo wasaaradaba waxaanu soo jee diyay in cid kasta oo dalka maal-gashanaysa uu xafiiskani ka taageerayo barnaamijkiisa iyo mashaa riicda ay dalka ka hirgalinayaan waxaana uu ku bogaadayay masuuliyiinta wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah furtitaanka xafiiskan.

Wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo halkaasi ka hadlay aya a isna soo dhaweeyay furitaanka xafiiska maalgashiga isaga oo u rajeeyay xafiis wax weyn ku soo kordhiya guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Md.Maxamed Shukri oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa soo dhaweey ay talaabada ay wasaarada ganacsigu qaaaday taas oo uu ku tilmaamay talaabo haboon oo xiligeedii la qaaday.

 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland