Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo dhagax dhigay Xafiiska Hay’adda UNICEF ugu weyn Geeska Afrika oo Hargeysa laga dhisayo.

 

 



Xafiiskan Hay'addu dhisayso oo ay Dhulka ay ka dhisayso ugu bixisay Xukuumadda Somaliland ayaa...



Hargeysa,13 November 2011 (TNN) -Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ,ahna ku simaha Ma daxweynaha C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax dhigay Xarun ay Ha y’adda UNICEF ku yeelan doonto Magaalada Hargeysa, kaas oo noqon doona Xafiiska ugu we yn Geeska Afrika ee Hay’addaasi.

Munaasibadii lagu dhagax dhigayey Xafiiskan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigee nka Somaliland, Wasiiradda Kalluumaysiga, Qorshaynta Qaranka, Macdanta iyo Biyaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda iyo Duqa Caasimada Hargeysa iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF.

Xafiiskan oo laga dhisi doono Xaafada Masalaha ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa munaasib adii lagu dhagax dhigayey ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaanu sheegay in ay farxad weyn u tahay Xukuumadda inay Hay’adda UNICEF xafiiskan ka dhisato Magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Xukuumadda Somaliland waxa maa nta farxad weyn u ah inaanu halkan nimaadno dhagax dhiga Xaruntii u horreeysay ee Ha’yad ka mid ah Haa’yadaha qarammada Midoobay oo ah UNICEF ay xaruntoodii ugu weynayd ee Ge eska ay ka dhisayaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa taasina farxad labaad ayay noo sii tahay.”

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu Ham balyeynayaa Haa’yada UNICEF tallaabadda horseedka ah ee ku dayashada mudan ee ay qaad atay oo aan u soo jeedinayo inay Ha’yadaha kale ee Qarramadda midoobayna ku daydaan. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida Ha’yada UNICEF sida ay diyaarka ugu tahay inay ka midh o dhaliso qorshaha Milinium Ujeedada la hiigsanyo oo carruurta iyo dadka nugul oo haweenku ka mid yihiin oo waxqabadkii Ha’yadaasi u soo dhawaatay, aad iyo aadna waan ugu hambalya ynayaa Ha’yadan.”


Madaxweyne Ku xigeenka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda ka qaataan wa da shaqaynta ay la leeyihiin Hay’adan. Waxaanu yidhi “Anaguna sidaasi aanu dhulka u bixinay ayaanu diyaar ayaanu u nahay inaanu kaalintayada ka qaadano wada shaqaynta aanu la leen ahay Ha’yadaha si looga midho dhaliyo ahdaafta horumarinta si aynu isbedel uga samayno dhi nayada Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada oo ah sadexda qodob ee aasaasiga ah”.


Sidoo kale, Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlay xaf ladaasi waxa uu sheegay inuu uga mahad celiyo Xukuumada Somaliland xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin Ha’yada UNICEF waxaanu Madaxweyne Ku xigeenka uga mahad celiyay sidii uu u gu soo dhaweeyay dalka.


Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlayay xafladaasi waxa uu yidhi “UNIEF waxay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay gudoomato dhulka ay Dawla dda Somaliland siisay UNICEF si ay hawleeda ugu gudato, marka la dhiso dhulkaasi waxa uu noq onaynaa xafiiska ugu weyn ee Bariga Afrika waxaana la filayaa inuu ku dhammaado dhismaha xaruntani muddo 12 bilood gudahood ah waxaana la rajaynayaa inuu ku dhammaan karo lix ilaa sideed bilood.”


Wakiilka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Dhulkan aanu ka dhisayno xarunta waxa cabir kiisu yahay toban kun oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu qaadi doonaa 90 shaqaale ah, xaru ntani waxay muujinaysaa ahmiyad ay UNICEF siinayso Somaliland si ay u fuliso mashaariicda dh inaca horumarinta carruurta 12 mashruuc oo Afrika oo dhan ka socda, dhaqaalaha ku baxaya ana uu gaadhayo 12 illaa 25 Malyan oo Dollar.

Deeqdan dhulku waxay timid xili adkaa oo aanu aad ugu baahnayn si aanu ula shaqayno Miliniu m Goal-ka.”.




Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland