Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shihaadooyin Gud oonsiiyay Ardeydii Ugu Horeysay Ee Ka Qalin Jabisa Jaamacadda Abaarso Tech

 

 


“maanta farxad weyn bay u tahay Somaliland oo dhan maadaama ay...."


Hargeysa (TNN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Sa ylic ayaa maanta ka qayb galay Xaflad ballaadhan oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey Dufca ddii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Abarso Tech.

Dufcadan oo ayaa ahayd 13 Ardey, ayaa bartay Xirfadaha Maamulka iyo Ganacsiga, waxana ay qaadanayeen Shiihadda Masterka, isla mar ahaantaasna waxa ay ahaayeen Ardeydii ugu hore ysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Abaarso Tech.

Munaasibaddii shihaadooyinka lagu gudoonsiinayay oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaala dda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxm aan Saylici Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xubno Ka Mid Ah Goloha Wasiiradda, Dhalinyaro Haween, Waalidiin, Ardadyda Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Iyo marti Sharaf Kale.

Ugu horeyn waxa xafladani ka hadashay Marwo Amran Cali Xiis oo ka mid ah saraakiisha sar sa re ee maamulka Jaamacadda Abaarso Tech waxaanay warbixin kooban ka bixisay aas aaskii Ja amacadda, waxana ay Marwo Amran sheegtay inay jaamacadda aasaaseen iyada iyo aqoonya no kale oo ay dalka iyo dibaddiisaba isaga kala yimaadeen

Marwo Caasha Maxamed Nuur oo ka mida aradaydii maanta la Ardeydda ka qalin jabisay Jaa macadda Abaarso Tech oo iyna ka hadashay xafladani ayaa sheegtay in ay si weyn ugu farax san tahay wax barashadan qiimaha leh ee ay shahaadadeedii maanta ka qaadatay Jaamacad da Aabaarso Tech, waxana ka mid ahaa haddaladdeedii “Abaarso Tech waa maxay waxyaab aha ay kaga duwan tahay Jaamacadaha kale?” waxay kaga duwan tahay aqoontii aad dalalka kale ee dibadaha u doonan lahayd ee caalamiga ahayd ayaad ka helaysaa adiga oo dalkaagii hooyo jooga”

Maamulaha Jaamacaddaasi Mr Jonthen Stars oo ah aas aasaha iyo maalgaliyaha Jaamacadda asi oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ardeydan maanta qalin jabisay ay la tacliin yihiin amba ay ka aqoon sareeyaan ardeydda wax ka barta dalalka kale duwan ee caalamka waxna ka mid ah hadalkiisii “ardaydani waxay awood u leeyihiin mid lamida tan ay leeyihiin ardayda Maraykan ka wax ku baratay”


Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in ardayan ka qalin jabisay Jaamacadda Abaarso Tech inay yihiin kuwii ugu nasiibka badnaa Somaliland maadaama ay guryahoodii ku heleen Jaaniskii ugu fiicnaa oo aa nay cidina hortood qaadan.

Mr Samaale waxaa kale oo uu sheegay inay ka Gole ahaan soo dhaweynayaan inay Jaamacada ha dalku bixiyaan aqoonta noocan oo kale ah “runtii waa farxad weyn inay maanta 13kaasi ar day qaadanayaan shahaadooyinkoodii MBA-da iyaga oo guryahoodii iyo shaqooyinkoodiiba ku dhexjira waayo waa dad aan wada garanayo dhamaantoodba” ayuu yidhi Samaaale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo gabagabagdii madashaasi ka jeediyey hadal kooban ayaa sheegay inay maanta farxad weyn u tahay Somalila nd oo dhan maadaama ay xafladdani tahay tii nooceeda oo kale ah oo aan horey u soo marin Jaamacadaha dalka kajira.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu intaasi ku daray in ay ka xukuumad ahaan dhiiri galinayaan isla markaana taageerayaan nidaamka waxbarashada noocan oo kale ahi inay dalka ka soo socoto isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa hadalladiisii ka mid ahaa “maanta farxad weyn bay u tahay Somaliland oo dhan maadaama ay 13kaasi dhalinyarada ahi qaadanayaan Masterkii ugu horeeyey ee Somaliland ka hirgalay”

Guntii iyo gunanadkii Madaxweyne ku xigeenku waxa uu halkaas ku gudoonsiiyey shahaadooy inkii Ardeydda.

Si kastaba ha ahaatee ardeydan ayaa waa ay tiraddoodu ahayd 13 Ardey, waxana wiilal Ahaa 11, Halka Labadda kallena ay ahaayeen Hablo.

 

 


Timacade News Desk
Hargysa Somalilnd