Madaxweyne ku-xigeen Sowtaan ku Idhi

Waxaan aad uga xumahay in maanta u aqbalo madaxweyne ku-xigeen Ahmed Yousuf in u noqdo gudoomiyaha gudidda qabanqaabada shirka UDUB.


Waxa ay ka turjumeysaa ceebta lala doon dooneyey S/land oo si qaawan loo soo bandhigey maanta iyo aqoon darrida isaga iyo Awriyaale ka haysa nidaamka dimoqraadiyadda, inaadeer miyaanad macnaha dawladnimo iyo xil heerkaas ah u bislaanin. Lama yaabeyo Riyaale oo lataliyeyaal kuu soo qeyiley buu leeyahay, waa ragii odhan jirey u dhamee meesha oo kashif, laakiin adigaa maanta tusey ummadii heerkaaga garaadka siyaasiga ah.

Waxa maanta madax-weyne ku xigeen aad ka marag kacdey xantii ahayd, waa nimaan dawladnimada waxba ka aqoon, sidee u ogolaataa magac dilkan ah in aad noqoto guddi qabanqaabo, meel dunida ay ka dhacdey xitaa diktaatoorada aduunka soo marey kamey dhicin oo dad kale ayey ku shaqeysan jireen, ma adigii baa ciyaartii bisada iyo jiirka laguu dheeley. Waxa beryo dhoweyd dadku kugu xamaneyeen, waxa u isutaageyaa doorashada xisbiga, Riyaalena waa u maqley oo waxa xigtey in ninkii la lahaa madaxweyne ayuu isu taageyaa, ayun baa la yidhi ka shaqee soo dhoweynta martida shirka iyo goobta shirku ka dhacaayo qurxinteeda, waar miyaanad ogeyn in aad tahay madaxweyne ku-xigeen la soo doortey, oo lagaa filaayey in aad yeelato hanka aad ku kasbaneysey ummaddan in aad madaxweyne u noqoto.

Waxaan beri kuu soo direy e-mail aad tidhi dadku wax ha igu soo su'aalaan, waxaan ku soo su'aaley dadlkan dhowr sanadood baa laga jaraayey lacag ilaacadeed (Radio) Radio baa la idiinku soo iibineyaa taas oo sagaal boqol oo kun oo dollar lagu cunnay, waxa aad tahay masuuliyadeeda mid u dhaartey, maxaad ummadda uga haysaan lacagtaas dhowrka jeer la idiin gudbiyey dawlad ahaan? Iigamaad soo jawaabin, ka dibna talo ayaan kugu soo celiyey aan ku leeyahay salaadaada ansaxi oo kitaabkaaga ka doon xilka aad u dhaaratey iyo lacagtaas maqan iyo tu kaloo badan.

Madaxweyne ku-xigeen miyaanad lahayn la taliyeyaal?

Waxaan kugula talineyaa in aad ku dhawaaqdo in aanad ahayn gudoomiyahaas gudidda qabanqaabada oo aad dhakhso isuuga casisho, waxaanad raacisaa in aad tahay murashax isu taageya jagada madaxweynaha. Hadii aanad sidaas yeelin ku noqo tubtii aad haysey intii aanad soo fuulin doonta siyaasadda, dadkana ha lugoynin.


 

 


Amina Hagi Mohamoud

amina_991@hotmail.com