Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yussuf Yaasiin ayaa Xukuumada Siilanyo ugu baaqay in ay xoriyadiisa u soo celiso Tifatiraha Waaheen (Xuuto)

 


Hargeysa(TNN) Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yussuf Yaasiin ahana Ku-sim aha Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Udub ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay xadhiga ay X ukuumada Madaxweyne Siilanyo kula kacaday Tifatiriha Wargeyska Waaheen iyo Boqor Raabi, waxanu xukuumada ugu baaqay in ay xoriyadooda u soo celiso Suxufigaas iyo Boqorka.


Waxa uu sidaasi ku sheegay Md.Axmed Yusuf Yaasiin mar uu maanta gurigiisa ugu waramayey Tvga Madaxbanaan ee SSChanel.


Waxa kale oo uu ka hadlay Sixir bararka naafeyey illaha dhaqaalaha ee Somaliland, waxanu wasiirka  m aaliyada ugu baaqay in uu waxa ka qabto sixir bararka ka jira dalka sida maceeshada qaaliyoydey iyo Dollarka Hoos u dhacay .


Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yussuf Yaasiin oo ka hadlay Xadhiga  Tifatira ha Waaheen waxa uu yidhi “Xukuumada waxanu u soo jeedinaynaa in ay xoriyadiisa u soo celiso  Suxu figa la xidhay waxaan leeyahay Madaxweyne cafis u fidi Sufigaas xidhan, waxa kale oo aanu ka soo  hor jeednaa waxa kasta oo dabar ku ah saxaafada madaxbanaan gaar ahaan xeerka cusub ee lagu  cabud hinayo saxaafada waana in lagu shaqeeya kii hore u jiri jiray ee saxaafadu lahayd”. Ayuu yidhi Axmed Yusuf Yasiin.


Md. Axmed Yussuf Yaasiin waxa uu hadal dardaaran ah u jeediyey Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi waxanu yidhi ”Waxa kale oo aan u soo jeedinaynaa wasiirka maaliyada in uu wax ka qabto hoos u  dha ca dhaqaale ee dalka ku dhacay, wasiirka maaliyada waxaan leeyahay waxa ka qabo sixirbararkan  aaf ayey dalkii, waxa nasiib darro ah in cashuurtii kor loo qaday oo ganacsatadiina ay durba ka soo  horjee dsadeen kor u qaadida cashuurta la kordhiyey, hadaba wasiirka maaliyadu waa kii ku faani jiray  dhaqa alahanu kor u qadaynaaye ee mee dhaqaalihii kor loo qadayey ma waxa uu noqday in dadka  ganacsat adaha ee masaakiinta ah uu ku dalaco cashuurta oo uu ka dhigo waxa aanay bixin kareeyan waa nasiib darro.”Ayuu yidhi Md. Axmed Yusuf Yassin


Gabo gabadii waxa uu Madaxweyne ku-xigeenkii hore Md. Axmed Yusuf Yaasiin ka hadlay dagaalka  dh awaan ka dhacay Deeganka kalshaale waxanu beelaha walaalaha ah ee deegankasi ugu baaqay in ay heshiiyan oo ay nabad gelyada ka shaqeeyan oo ay ilaaliyaan midnimadooda, waxanu tilmaamay in aa nu dagaalku lahayn faa’iido balse khasaare uun uu leeyahay.


Source: Waaheen