Madaxweyne Rayaale iyo wefdigiisii oo si weyn
loogu soo dhaweeyay London
Waxa xalay markii ay saacada UK,
ahayd 8:30'kii fiidnimo soo gaa dhay magaalada London waftigii uu
hogaaminaayay Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin,
waxa madaxweynaha iyo waftigiisa oo ka kooban Wasiirka arimaha
dibada ee Somaliland mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, xoghayaha
khaaska ah ee madaxweynaha mudane Axmed M.Essa, iyo marwada
madaxweynaha marwo Huda Barkhad.
Waxa Heathrow Airport ku qaabilay saraakiil sar sare oo ka socday
wasaarada arimaha dibada ee UK, waxa sidoo kale iyana soo dhoweynta
waftiga madaxweynaha ka qayb qaatay saraakiil ka tirsan wasaarada
arimaha dibada ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Ambasadoor Dr
Mohamed Aar, Safiirka Somaliland u fadhiya Ireland Mudane
Cabdifataax Siciid Axmed iyo ku xigeenka safiirka Somaliland ee UK
mudane Daahir Tukaale.
Waftiga madaxweynaha ayaa loo qaaday hotelkii loo sii qorsheeyay in
uu ku dego oo ku yaala badhtamaha magaalada London.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa shalay (Doraad) waxa martiqaad u
sameeyay madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele
iyada oo halkaasi madaxweynaha iyo waftigiisa lagu soo dhaweeyay
laguna soo sagootiyay si sharaf iyo maamuusleh iyada oo labada dal
ee Jabuuti iyo Somaliland yihiin laba dal oo walaalo ah isla
markaasina uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagsani, oo maalinba maalinta
ka danbaysa sii xoogaysanaya.
Somalilandnation
|