Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii oo Si Heer Sare ah loogu soo dhaweeyay Hargeysa
Waxa Madaarka Cigaal international ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano Guurtida iyo Wakiilada , Marti sharaf kale iyo dadweyne aad u tiro badan. Intaasi ka dib waxa Madaxweynaha
iyo wefdigiisa loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada, waxana galbiyay
baabuur aad u tiro badan, waxana dadweynuhu ay ku soo dhaweeyeen
caleemo qoyan, iyaga oo tubnaa Madaarka ilaa Madaxtooyada, waxana
Madaxweynuhu shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada
|