Madaxweyne Rayaale Oo Amiir Kuweyti Ah Iyo Ganac sato Reer Saaxil Ah Ku Wareejiyay Maalgashiga Warshada Sibidhka Ee Berbera

 

Madaxweyne Rayaale Oo Amiir Kuweyti Ah Iyo Ganacsato Reer Saaxil Ah Ku Ware ejiyay Maalgashiga Warshada Sibidhka Ee Berbera, Isla Maantana La Filayo Inuu U Kicitimo Dalka Kuweyt

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu qalinka ku duugay in ay maal Gashadaan Warshada Sibidhka ee Berbera amiir u dhashay dalka Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka gobolka Saaxil.

Heshiiskan maalgashiga wershada sibidhka ee Berbera oo la sheegay in shalay galin kii dambe uu Madaxweyne Rayaale Qalinka ku duugay ayaa waxa uu tibaaxayaa inay maalgashiga warshada uu si isleeg u siiyey amiir reer Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka Saaxil, kadib markii qorshe ay ganacsato reer Somaliland ahi ay ku doonayeen inay wada jir u maalgashadaan wershadii hore ee sibidhka  Berb era uu Rayaale ka diiday, isla markaana uu Amiirkan reer Kuwaiti siiyey 50%  (Boqo lkiiba Konton), taas oo ganacsatada intii badnayd ay diideen marka laga reebo  gan acsato reer Saaxil ah oo iyagu 50%-ka soo hadhay shuraako ku ah.

Dhinaca kale Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw madaxtooyadu Madaxweyne Rayaale ayaa maanta la filayaa in uu u baqoolo dhinaca dalka Kuwaiti, halkaas oo uu amiirka reer Kuwaiti ee la siiyey maalgashiga Wershada sibidhka uu diyaarad khaas ah u soo diri doono.

Ma jiraan war rasmi ah oo ku saabsan heshiiskan iyo tegitaanka Rayaale ee Kuwaiti oo ka soo baxay dhinaca xukuuumadda, hasa yeeshee afhayeenka Madaxweynaha Siciid Cadaani oo aanu xalay wax ka weydiinay tegitaanka Madaxweynaha ee dalka Kuwaiti ayaa isagu diiday in uu ka hadlo, balse sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ahi Madaxweyne Rayaale ayaa waxa uu u tagayaa dalka Kuwaiti marti-qaad la  shee gay inuu ka helay Amiirkaa Reer Kuwaiti ee maalgashiga ku samaynaya warshada sibidhka ee Berbera, inkastoo aanay ilaha warkani laga soo xigtay tibaaxin waxa loogu yeedhay Madaxweyne Rayaale, balse waxa la filayaa inay la xidhiidho uun heshiisyo Koote loogu xidho Tujaar reer Kuwaiti ah khayraadka dalka inay ka faa’iidaystaan.

Maaha markii Koowaad ee Rayaale uu maalqabeen carbeed uu u xidho khayraadka dabiiciga ah ee dalka, balse waxa jirtay in ganacsade la yidhaa Al-jaabiri oo Sucuudi ah uu Koote ugu xidhay dhoofka Xoolaha Somaliland, kaas oo muddo Dhawr sanadood ah Kelidii ka ganacsanayey xoolaha ka dhofa dekada Berbera.

Amiirkan oo uu dhalay Boqorka Dalka Kuwaiti, kaas oo magaciisa la yidhaa Amiir Xamdi Al-sabaax ayaa sanadkii 2000 dhul ka iibsaday magaalada Sheikh ee Gobolka Saaxil, halkaas oo ay boqortooyada Kuwaiti ka dhisanayso Qasri iyo beer ay xiliyada fasaxyada ku raaxaystaan.

Wiilkan uu dhalay boqorka Kuwaiti ayaa sanadkan horaantiisii booqasho ku yimid Somaliland, xiligaas oo la filayo inay ku dhalatay maalgashiga warshada sibidhka ee Berbera oo hore Rayaale u sheegay inay maalgalinayaan shirkado Germany ah, balse markii ay beenawday maalgashiga shirkadaha Jarmalka ahi ay ganacsato isku tagtay oo reer Somaliland ahi ay u qorsheeyeen inay iyagu maalgashadaan, kuwaas oo ilo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen inay iska ururiyeen ku dhawaad lacag dhan 30 Milayn oo doolar oo ay ugu talo galeen inay ku dhaqaajiyaan maalgelinta Warshada sibidhka ee Berbera, balse uu Madaxweyne Rayaale ka Warwareegay inuu u saxeexo heshiiska ay ku doonayeen inay ku maalgashadaan Warshada Sibidhka Berbera.

Dalka Kuwaiti oo ka mid ah wadamada khaliijka Carabta ee saliida hodan ka ku ah ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada sida weyn u taageera qadiyada midnimada Somalia, isla markaana waxa uu ka mid yahay dalka Kuwaiti dalalka lacagta ugu badan ku bixiya shirarka Dawladaha dibada loogu qabto somaliada.

 



Haatuf