MADAXWEYNE RAYAALE OO MADAX DHAQAMEEDYADA AWDAL QAS RIGA MADAXTOOY ADA KULAN XASAASI AH KULA YEESHAY IYO NUXURKA QODDOBADA AY KA WADA HADLEEN

 


Hargeysa (TNN)-Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu Jimcihii doraad  qasri ga Madaxtooyada kulan kula yeeshay xubno ka tirsan madax dhaqameedyada caanka ah ee ka soo jeeda gobolka Awdal, kuwaas oo la sheegay in dalabka kulankaasi uu lahaa Madaxweynuhu.

Ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow qasriga Madaxtooyada ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu doraad Jimcihii galab kulan khaas ah kula yeeshay madax dhaqameedyo ay ka mid yihiin suldaan Baade Xaddi, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo xubno kale oo ka mid ah madax dhaqameedyada reer Awdal.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga xaqiiqada wada hadalka kulankoodaasi waxayse ilo xogogaal ahi noo sheegeen in kulankaasi Madaxweyne Rayaale uu la yeeshay madax dhaqameedyadaasi ay kaga wada hadleen arrimo ku saabsan hadalo dhowaan ka soo yeedhay xubnaha salaadiintaasi oo inta badan ku wajahnaa xukuumadda iyo deegaanada Jasiiradaha gobolka Salal ee xarunta degmada Saylac oo ay maryo dhiig leh ku kala furteen xubnahaasi salaadiinta iyo xubnaha golaha wasiirada kaga jira deegaanada gobolka Awdal. Waxanay tibaaxuhu sheegeen in Madaxweyne Rayaale iyo madax dhaqameedyadaasi ay kulankaasi wada fadhi iskaga qanciyeen waxyaabihii shakiga ku kala riday muddooyinkii u dambeeyay xidhiidhkii ka dhexeeyay madax dhaqameedyadaas iyo Madaxweynaha.

Waxaanay ilo wareedyadu intaa ku dareen in madaxweyne Rayaale salaadiintaasi si weyn uga qanciyay dareemadii shakiga lahaa iyo ololihii salaadiintaasi ay ku qaadeen deegaanada gobolka Salal oo la sheegay inuu ku tilmaamay arrimo ay axsaabta mucaaridku buun buuniyeen iyadoo dhinaca kale salaadiinta ayaa iyagana la shegay in madaxweynaha ay uga cawdeen hadalo kul kulul oo xubnaha ka tirsan xukuumaddiisa ee ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Salal ay muddadii socdaalka ugu baxeen deegaanadaasi ay u jeediyeen.

Kulankan ayaa sidoo kale ay ilo wareedyadu sheegayaan in madaxweyne Rayaale salaaddiinta ugu ballanqaaday inuu soo celiyo meqaamkii ay ku lahaayeen dhinaca dawladda iyo xidhiidhkii ka dhexeyn jiray madax dhaqameedyada iyo xukuumadda oo beryahan dambe aan wanaagsaneyn isla markaana ahaa mid dabac weyni ku jiray.

Kulankan ayaa sidoo kale ka dambeeyey isku day badan iyo dedaal badan oo madaxweyne  Raya ale u galay sidii ay salaadiintaasi mar uun isku afgaadhi lahaayeen ,iyadoo la ogaa in dhawr jeer oo uu ka dalbaday kulan sidan oo kala ah ay gaashaanka ku dhufteen ,lamana oga sababta  wakh tigan keentay kulanka madaxweynaha iyo salaadiinta reer Boorama waxase inta badan lagu  tilm aamay in kulankaasi Madaxweyne Rayaale uu la yeeshay madax dhaqameedyadaasi uu ku soo celiyay xidhiidh hor leh oo u bilawday labadooda dhinac.


Source:Haatuf