Madaxweyne Rayaale oo Safar aan hore loo shaacin ku yimi Burco

 

Weftiga madaxweynaha ayaa gaadiid tiro badani oo ay horkacayeen masuuliyiinta Gobolka Togdheer ay kaga hortageen duleedka magalada sheekh ,u soo galbiyay dhinaca magaalada Burco.

Madaxweynuhu xarunta maamulka Gobolka, salaan sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada qaranka.ka dibna waxaa uu ku nastay qolka shirarka ee xarunnta gobolka.

Madaxweynaha ayaa dadweynihii soo dhaweeyey uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, islamarkaana sheegay inuu maalmo joogi doono Gobolka, oo uu la kulmi doono waxgaradka iyo odayaasha Gobolka

Safarkan madaxweynaha Somaliland ayaa ah markii u horeysay ee uu yimaado magaalada Burco,tan iyo intii uu hayey xilka hogaaminta dalka ayaa la filayaa in doodo culus isku waajahaan waxgaradka iyo odayaa sha Burco,kuwaas oo u soo bandhigi doona Madaxweynaha balamihii badnaa ee uu qaaday shacbiga Togdheer ee aanay waxba ka fulin, islamarkaana ugu horeyso bedelaada lacagta giimbaarta ee aafeysay dhaqaalaha Gobolka iyo Arimo Kale o badan.

Socdaalka madaxweynaha ayaa waxa ku weheliya xubnaha wasiirada ee ka soo jeeda Gobolka Togdheer, taliyayaasha ciidamada, iyo xubno kale.
Haseyeeshee Dadweynaha reer Burco ayaa dhawaaqa keliya ee ay ka sugayaan madaxweyne Rayaale tahay bedelaada lacagta giimbaarta, ee la degtay dhaqaalaha bulshada

Inkastoo hawlo badan oo culisi hortaalo Md.Ryaale balse waxa sugay aa qaabka iyo habka uu uga dabaalandoono. Rayaale ayaa saaka ka soo kicitamay magaalada xeebeedka Berbera,halkaasoo uu mudo todo baad ah ku sugnaa.

TogdheerNews