Madaxweyne Rayaale oo Si Weyn U Soo Dhawee yay Go’aankii Golaha Guurtida ee Maanta

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay Go’aan Guurti.

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Madaxweyne Rayaale oo xarunta  Mad axtooyada Saxaafada kula hadlay wax yar ka dib markii uu xidhmay fadhigii Golaha Guurtida Somaliland wuxuu ydihi “Xalayna war baad iga qaadeen baan u malaynayaa haddii aad saxaafada tihiin. Marka u horreysa waxaan ugu bushaaraynayaa shacbiga Somaliland go’aankaas ay Guurtidu qaadatay oo go’aan Guurti ah. Iyadoo siyaabo badan loo sheegayay oo la lahaa Guurtida waxaan la filayn ayaa ka soo baxaya, laakiin maanta Nasiib wanaag ay tahay wixii guurti laga filayay ay ka soo baxday.

Hamblayo ayaan Guurtida u dirayaa. Shacbiga Somalilandna guud ahaan Ham balyo ayaan u dirayaa.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu hambalyo u  di ray axsaabta siyaasada oo uu sheegay inay muwaafiqo yeesheen, waxaanu yidhi “Xisbiyadu muwaafaqadaa ay raaceena iyana waan ku  hambalyaynaya a, waxaanan leeyahay ha ugu dambeeyo khilaaf kii shalay oo aan hore u  soc ono, doorashada aan u diyaar garowno ha la gudo galo farsamo ahaan sidii ay doorasho xaq ah oo xalaal ahi ay mustaqbalka inoogu qabsoomi lahayd  ha ddii alle yidhaahdo. Waxaanan leeyahay shacbiga reer Somaliland waan  idiin ku hambalyeynayaa wada jirkiina iyo nabad jacaylkiina iyo sida aad u  ilaalina ysaan danta ummadda waan idiinku hambalyeynayaa.

Waxaanan aaminsannahay mar kastaba inay arrinteenu tallo ku  dhammaana ysohaddii dad badan ay lahaayeen walaahi Somaliland talladii baa ka soo  dha m maanaysa inaanay taasi dhicine’e ay marka ugu dambaysa sidii caadada inoo ahayd muwaafaqo ku dhammaanayso. Taasna illaahay ayaan ugu mahad naqayaa farriintaasi ayaan jecelahay inaad dadka gaadhsiisaan.”

 



Source:sn