Madaxweyne Rayaale oo u Baqoolaya Sanaag iyo Duruufaha Qallafsan ee Horyaal

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa in  uu maalmaha soo socda booqasho ugu kicitimo dhinaca gobollada Sanaag, Sool, Awdal iyo deegaannada hoos yimaada.


Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada oo xaqiijinaya maalinta madaxweynuhu socdaalkiisu u bilaabmi doono, hasayeeshee sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhodhow madaxtooyada iyo dhinaca Ceerigaabo, waxa la filayaa in madaxweyne Rayaale socdaalkiisa ka bilaabi doono magaalada  Ceeriga abo, iyada oo halkaasna ay ka socoto qabanqaabada soo dhawaynta weftiga madaxwaynaha.


Socdaalka madaxweynaha ee gobollada Sanaag, Sool iyo Awdal, ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin safarkii uu ku soo maray Saaxil, Togdheer iyo Oodweyne, kaasoo la sheegay in uu la xidhiidho kormeer iyo qiimayn uu ku soo samaynayo xaaladaha iyo marxaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin dadweynaha ku nool gobolladaasi.


Socdaalka madaxweynuhu ugu baqoolayo Sanaag, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo ay gobolkaasi ka jiraan duruufo qallafsan oo  saama yn xun ku yeeshay hab-nololeedka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee dadweynaha ku dhaqan socdaal ku tago gobollada Sanaag iyo Sool, isla markaana aanay habayaraatee waxba ka fulin balanqaadyo badan oo xukuumadda Rayaale u samaysan dadweynaha deegaannadaas ku dhaq an.


Duruufaha qallafsanee madaxweynaha horyaal waxa ka mid ah  adeegya da bulshada oo aanay waxba ka jirin, haddii ay tahay caafiimaadkii, wadd ooyinkii, biyihii iyo ilihii dhaqaalaha oo baaba’ ah, noloshooduna ku xidhan tahay gobolalda iyo magaalooyinka Puntland, waxa kale oo jira lacagta  la ga isticmaalo Ceerigaabo oo ah giimbaartii Somaliya.


Waxa kale oo jira in deegaanno badan oo ka tirsan Sanaag oo aanay  hab ayaaraatee ka jirin maamulkii dawliga ahaa ee Somaliland, maamul fidin wax ku ool ah oo dhawr jeer la ballanqaaday ayaanay iyadana waxba ka hirgalin, waxayna bulshada deegaannadaasi ku doodaan in wax gargaar ama taakulayn dhaqaale ah oo ka soo gaadha dhinaca dawladu in aanu jirin, iyada oo marka olole soo dhawaado ee codka laga doonayo oo  qudh a ay arkaan siyaasiyiin iyo baabuur cadcad oo isdaba yaacaysa.


 


Jamhuuriya Online