Madaxweyne sidii u kugu lisay mujaahid Musa
Biixi wax ugu hanbee.
Waxan dhamaan salaamaya shabakadaha ku abtirsada JSLand ee heeganka
u ah hadh iyo habe en sidii ay inooga haqab tiri laayeen wararka
dalkii hooyo iyo caalamka kala ba, aad baan idinku bogaadinayaa
shaqadaasi ad heysan ee ad u hurteen shacabkiina.
Beriyahan danbe waxa maalin ba maalinta ka danbeysa saxaafada ku soo
badaneyay qoraalo ku saabsan ururo siyaadadeed in la furo iyo inkale,
dadbadan baa runtii si wanaagsan u dhigay oo jawaab macquul ah ka
dhiibtey aragtidooda, qaarna jahawareerin iyo durbaan beeleysan
b ey tumayaan, waxad mooda in ay awoodii u madaxweynuhu lahaa ee u
dadka ku kala hagi la'aa meesha ka maqan tahay oo ad moodo inuu
kubadii ba dhex dhigay shacabkii, ila hadda waxa m uuqda is
dhexyaaca iyo afkaar aad u kala fog, madaxweyne Siilaanyo waxa iga
muuqda BEERKA JECLI XEYDHA JECLI oo waxad mooda in ay kalsoonidi uba
ku yartahay oo anu isticmaali kariney awoodii u sharcigu u ogola oo
doorbidayo inuu gudiyo iyo xilal kale oo an sharciga waafaqsaney
abuuro. Waxan aaminsahay inuu isagu go'aan kiisa ku meel mariyo oo u
dalka horumarkiisa iyo shuruucda ku dhaqo, maaha madaxweynuhu inuu
xaaladkaste u saaro gudi u jeedo badan, wu xu dalku u baahan yahay
go'aan geesinimo oo an labalabac laheyn madaxweyne. Xaaladaha ad ag
ee ka horyimaada qaar kood uma baahnid wada tashi iyo gudiyo loo
saaro, waxayaabo bad an oo ad xaq u leedahay ayaad hore gacanta uga
galisay gudiyo.
Hadii an xaalada u dalku marayo dib ugu soo noqdo waxa jiira xalado
adag oo loo baahan yahay in dadka lagu jeediyo oo u baahan in
waxbadan laga qabto, dalku wuxu ku jira xaaladihii laga duceysan
jiray kuwaaso ah Colaad iyo abaaro baahsan, maanta maaha runtii
maalin la yidhaahdo ururo siyaasadeed shacabka ha lagu mashquuliyo,
maanta waxa loo baahan yahay in shacabka lagu waciy galiyo sidii
looga dabaalan lahaa abaarahan iyo colaadan soo noqonoqoneysa, waxa
loo baahan yahay dawlada iyo shacaba in gacmaha la iswada qabsado oo
loo balamo sidii labadaasi xaaladadood looga gacan sareyn la'aa,
ilama haboona in shacabka xalaasha ah durbaan beeleysan loo garaacin,
sowtii dawladii Riyaale odhan jirtey dalka dagaalo sokeeye iyo abaar
baahsan baa ka jirte doorashad dib inoogu dhiga, waxa runtii haboon
in ay dawladu muwqif cad iska taagto islamarkan xaalada dalku ku
sugan yahay cadeyso oo ah Colaad iyo Abaar, maanta arinkan ururo
siyaasadeed oo la fura waa dhabar jab loo geysanayo qaranimada
JSLand iyo isu duubnida wadareed ee shacabka iyo dawlada.
Waxan runtii la yaaban nahay sababta keentey inuu labadii halgame ee
ururka qaran hogaaminaya uu madaxweyne Siilaanayo uga diray
golihiisa wasiirada hadii u doonayo inuu ururo furo, waxa haddaba
aakhristo halka inooga bidhaameysa in anu madaxweyne Siilaanayo
diyaar u aheyn in la furo ururo siyaasadeed, sida an aaminsanahay
wuxu xisbiga kulmiye ku soo xero galiya rag waaweyn oo siyaasiyin
isku sheegay inuu furi doono ururo siyaasadeed, waxan leeyaha
qoladan Udhis ee laga dul booday ee sida indho la'aanta lleh u
taageertey Kulmiye marku ka dhawaajiyay balan qaadkii ahaa ururo
siyaasadeed baa la furayaa, waxan leeyahay mujahiidinta iyo madaxda
kale ee hor boodaya UDHIS candhuufina dib u liqa oo dib isugu noqda
GOAL CAJIIB AH ayaa la idinka badiyee, balantaasi u kulmiye idinku
baaqeyna waxay la mid tahay balamo badan oo ila hadda cirka ku
laalan. su'aashan wali ma isweydiisen sababta u Dr Gaboose iyo Eng
Maxamed Xaashi ugu magacaabay wasiiro, taasi waa markhaati ma doonto
inuu madaxweynuhu anu marna ka raali aheyn in ururo la furto.
Talo kusocta xisbiga kulmiye iyo taageerayaashood iyo madaxweyana
Teeda kale wuxu madaxweyne siilaanayo sidii balantu aheyd ku
wareejiyay xilkii gudoomiye ee xisbiga kulmiye muj Musa Bixi Cabdi
oo runtii beeshiisu aheyd lafdhabarta xisbiga Kulmiye guusha u soo
hooysay ee kursiga u hibeysa ina uu ku fadhiisto islamarkan
la'aantood anu ku fadhiisan kareen, waxan haddaba dhawr qoraal oo ay
taageerayaal reer kulmiya ihi soo direen u arkaa balamo la burinayo
oo la doonayo in xisbiga kulmiye lagaga cararo mujahid Musa Biixi
Abdi, haddii ad madaxweyne taageerto kuwa doonaya in la furo ururo
siyaasadeed islamarkan raba in ay furtan urur siyaasadeed beeleysan
oo u waxan u aragna balan kale oo la burinayo oo kulmiye looga digo
roganayo, waxan leeyahay madaxweyne sidii quruxda badneyd ee u
mujaahid Musa Biiixi kugu lisey isagan markiisa ugu hawl gal inoo
talada dalka mar u gacanta ku dhigo somalidu waxay tidhaahda ABAAL
NIN GALA WAA LA ARKA NIN SE GUDAA WAA YAR YAHAY.
Waxan leeyahay madaxweyne sidii gobonimada aheyd ee kursiga laguu
saaray abaalkeedii celi oo MJahidka, markale waxan leeyahay
Siilaanyo raggii maalintii ad hamuunta kursiga qabtey dusha ku
saartey ha ku wacad furin balantiina ha kagaga bixin, cid walbaN
kaga eexday, taasi waa iga talo oo waxaan runtii meel fog ka arka
talooyin beeleysan oo runtii ka soo burqamaya xisbiga kulmiye oo la
rabo in lagu wanjalayo mujaahid Musa Biixi Abdi, waa hadii la furo
ururo siyaasadeed islamarkan madaxweynuhu taageero.
Waxaynu maanta nahay sadex xisbi qaran oo siman oo xisbi kaste laga
heli karo shacabka soomaliland oo dhan ama ay ka wada muuqdan,
haddii se ururo siyaasadeed la furo waxa iman doonta o la arki doona
iney beel walba calan yar meel sudhato islamarkan aynu noqono
tusabax afkii laga furay, waxan sidaa uga baqaney inuu tusbaxasi
noqon doono xisbiga Kulmiye oo runtii xumxum badani ka soo yeedheyso
islamarkan ay fari ku godan tahay oo dadbadn oo taageersan in la
furo ururo siyaadeed ka dhex muuqdan, waxanse u sheegay hadii ay
taasi dhacdo oo iga balan ah inaan kusoo biiri doono xisbiga Kulmiye
oo inaadeerkey gudoomiye u yahay, hadii uu dareenkaasi beeleysan
yimaado o ururada la furo islamarkan taageerayaasha kulmiye kala
furfurmaan waxad ogaatan inuu nin walba xaafadiisa qabanayo oo u
taageeri doono xisbiga ay beeshii leedahay.
Inkastoon runtii hore uga baxay kulmiye hadii ay noqoto in la furo
ururo siyaasadeed oo beeleysan oo xisbiga kulmiye dhabarka loo soo
jeediyo oo ay beesheydu ku kaliyeesto waxa hubaal ah in uu nin walba
u hogaansami doona ururka beeshiisu hor boodayso, haddaba si aney
kalsooni daradaasi ama ayaan daradaasi inoogu dhici waa in an la
ogolaan ururo beelesyan oo tiro badan waxan leeyahay waar yaan
nalagu qasbin inaanu taageerno beeshayada iyo urur siyaasadeedka
beeshayadu leedahay ama sameyn doonto.
Haddaba miyaaney aheyn in shacabka loogu baaqo sidii Colaadaha iyo
Abaaraha loogu jiheyn la si ay gacmaha isku wada qabsadaan oo ay
dalka iyo dadka ba difaacan, waxan ka codsanayaa madaxweyynaha inuu
gaashan ka bir ah ku sidii looga hortagi la,aa ragga gudoomiyaasha
hamuunta u qaba.
Anigoo ah muwaadin taageera xisbiga UCID waxaan ugu baaqaya shacabka
JSLand iyo ragga u damaco ka hayo inay noqdan gudoomiye xisbi ku soo
biira xisbiga UCID, si ad uga faaiideysatan islamarkan uga qeyb
gasho doorasha gudoomiyaha iyo madaxda kale ee loo balan san yahay
in la qabto doorasho xor oo xalaal ah oo xisbiga gudihiisa ka dhici
doonta sanadkan dabayaaqadiisa hadii alle yidhaahdo.
Waxaan kusoo gabagabeynayaa in siyaasiyinta hamuunta u qaba in ay ka
qeyb qaatan siyaasada dalka islamarkan kusoo biiran sadexda xisbi
qaran ee maanta beelaha soomaliland ka wada dhex muuqdan.
Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood
Hassan
Norway |
|