Madaxweyne Siilaanyo: Hoggaamiye Ruug Caddaa ah oo Somaliland Hibo u heshay


 


Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa hogaamiye taariikhi ah oo ilaahay hibo usiiyey umada Somali land, waa ninkii Somaliland ka soo saaray miciyihii faqashta ee sababta u ahaa xornimada aynu Maanta ku naaloonayno . markuu Dalka xoreeyey mar qura Dalkiisa iyo Dadkiisa ka ma ag tegin, Axmed sillanyo Soomaali oo Dhan ayaa Baryo Gadhka iyo iyo Gomadaba Qabtay in ay ay ugu cumaamadaan Madaxweynaha Somalia oo aan qof qudhihii kula tartamay.

laakiin wuu Diiday in uu ku Badhi furo qadiyadii shacabkiisa ee uu isagu Hormaadka iyo Hogaami yahaba ka ahaa, halka kuwii isaga lamid ka ahaa ay danahooda ku foofeen, mid xamar ucarara oo jago Dhalanteeda walla weyn udoonta iyo mid marba qadhiidh yar u Doonta Meel wala weyn lagu shirinayo! iyo Mid Dalkaba ku soo qaada Dagaal hubaysan!!. Axmed Silanyo shacabkiisa jec eli waxay ugu Abaal gudeen in ay si ( overwhelming Majority ) ah Madaxweyne ugu cimaamada an Doorasho xor ah oo xalaal ah oo an weli afrrica ka dhicin .

Madaxweyne siilaanyo wuxuu la wareegay Dal 8- sanadood ay jaqayeen aboor iyo Daani iyo ca dowga Gudaha oo is barkan, wuxuu la wareegay Dal aan meel nool lahayn, wuxuu la wareegay dal Dhulkii la xaraashay oo Dhirtii la xaraashay oo Dhagaxii la xaraashay oo qarka usaaran in lagu kala Dhaqaaqo!.Madaxweyne Axmed siilanyo isaga oo kaashanaya aqoontiisa iyo xikmadii sa iyo khibrada uu uleeyahay Maamulka Dawladnimo, wuxuu markiiba boodhka ka jafay oo Dib u habeeyey oo dib usoo nooleeyey Maamulkii Dawlada ee awelba isaga oo Magacal uyaal ahaa markii Danbena meeshaba ka sii baxay Mudadii ay Dalka silcinayeen kooxdii faqash riyaale. Madaxweyne Axmed Siilaanyowuxuu Mudadii yarayd ee uu xilka hayey Dalka ka sameeyey Dawl ad taam ah oo shaqaysa oo sibuuxda oo hufan hawsheeda u Gudata (Fuctioning Government), Dawladaasi Mudadii yarayd ee ay jirtay waxay latimi Dadaal aan kala go` lahayn iyo shaqo iyo wax qabad aanay hore uqaban Dawlad Somaliland ka jirtaa, wax qabadkaas oo aanan qoraal kan yar ee kooban ku soo koobi karayn waa mid ay ka markhaati kacayaan xitaa cadowga Deb eda ee Somaliland.

hadaba Akhristoow weligeedba Dunida waxa soo jiray in shacab walba oo qadiyad leh, ha ahaa to qadiyad xornimo Doon ama qadiyad Wadan lagu Dhisayo ama qadiyad kaleba in hadana ay jiraan qaybo ama kooxo ama shakhsiyaad shacabkaa ka mid ah oo ka soo horjeeda qadiyada shacabkooda!! oo geed dheer iyo Mid gaabanba ufuula sidii uu u Baabi `in lahaa ama u carqalad ayn lahaa halgankaa shacabkiisu ku jiro!!. shacabka Somaliland isaga oo la mid ah shucuubtaa kale ee qadiyadaha leh waxa kujira qaybo ama kooxo ama shakhsiyaad cadow ku ah qadiyadiisa oo hadh iyo habeen heegan ugu jira sidii uu jilaafo ugu Dhigii lahaa Geedi socodka qadiyadiisa .

hadaba iyada oo ay waajib ku tahay qof walba oo reer somalilnad ah in uu layimaado wax alla iyo wixii uu ku Biirin karo Geedi socodka qadiyada Somaliland , waxaan ka fursan waayey in aan umada reer Somaliland usoo Bandhigo cadowga ku Dhex jira iyo qaybaha uu ukala Baxo:

1-Qabiilayste: isaga wixiisu waa qabyaalad qaawan oo qayaxan, hadii Madaxweynaha Markaa Somaliland taladeeda hayaa aanu qabiilkiisa ka soo Jeedin , automatically waa mucaarid xitii hadii Madaxweynahaasi yahay Mid Doorasho ku yimid oo wax qabad layimid oo cadaalad ku Dhaqa Dalka iyo Dadkaba ,qabiilaystahaasi Mar hadii uu waayey maslaxdiisii Qabyaalada Ku Dhisnayd wuxuu jecel yahay in uu subax soo tooso oo arko Somaliland oo rogmatay!!!!.

2-Danaystee(Mansib Doon iyo manfac Doone):isaga wixiisu waa Mas laxad shakhsi ah(????? ????? ???), Dawlada Markaa jirta hadii uu ka waayo Mansib ama Qadhiidh uu hore ubartay wuxuu u Dhaqaaqayaa Mucaarid nimo, wuxuu isticmaalayaa Tools farabadan oo qabyaaladu u horayso wuxuu soo kicinayaa wax maxmagarata iyo Madax Dhagareedka qabiilkiisa isaga oo ku beer laxowsanaya in Beeshooda la Dulmay oo aan Dalka waxba looga ogalayn!!!.qadiyada Somaliland iyo qaranimadeeda iyo jiritaankeeda iyo midnimada shacabkeeda waxa kala weyn jago uu xukuumada ka qabto ama woxoogaa qadhiidha oo marba loo laabo , hadii uu jagadaas ama qadhiidhkaas waayo wuxuu kabaha u Gashanayaa wax alla iyo wixii Hagar Daamo ku noqon kara Dalka.

3-Xaasid: waa natiijadii ka dhalatay labadii nooc ee aynu kor ku soo sheegnay, waana cadowga ugu xun cadowyada Gudaha, cadaawada uu Dalka iyo Dadka u qabaa waxay isugu soo biyo shubataa in uu xaasidnimo halkaa la soo fadhiisto,Tools ka uu isticmaalaa Dabcan qabyaalada ayaa ugu horaysa wuxuuna salaan ka dhigtaa afmiin shaariinta iyo Madax Dhagareedka iyo ciyaal wax magarato ah oo ay isku qabiil yihiin oo internetka ka soo afuufa Borobogandhe, been, Dacaayado rakhiis ah, cadowgaas xaasidnimo halkay ka Gaartay wax kale iska Daayo, hadii roob Dalka ka Da`o wuu ka Muraaradilacayaa.

Somaliland Guul iyo hor umar, iyo cadowgeeda kudaha iyo Debedaba oo jabaa.
 

 


Khadar.A.hussain
khadarhussain@hotmail.com