Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudoomiyahay Golaha Wakii lada C/raxmaan Cirro Oo Maanta Xarunta Madaxtooyadda La Is Kugu Geeyey
 

 

Kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Cirro oo ahaa mid gaar ah wax war ah mid koodna kamuu soo saarin

Hargeysa(TNN):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ma anta Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, isla markaana ahaa Af-hayeenka wa dahadalada khilaafka dooda Qaran ee Mucaaradka iyo Xukuumadda.
cirroKulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Cirro waxa maalmahanba ka Odayayna yey Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo X Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) waxaana dood iyo falanqayn dheer oo ay banaanka kula soo yee sheen Cirro kadib maanta suurtogashay in ay u kaxeeyaan dhinaca Qasriga Madaxtooyadda.

Kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Cirro oo ahaa mid gaar ah wax war ah mid koodna kamuu soo saarin, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloolay ayaa Saxaafada u sheegay in xal laga gaadhay Doodii Qaran ee ay labada dhinac isku hayeen, waxaanay u muuqataa in la isku raacay in Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka lagu wareejiyo oo ay dhex dhexaad ka noqoto dhinacyada oo dhamina ka wada qayb galaan.
Kulanka maanta waxa la sheegay qoddobka ugu xaasaasisanaa ee lagaga hadlay in uu ah aa qaabka uu guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro ugu qoray Madaxweyna ha taasoo uu ku diray magaca Golaha wakiiladda halkii ay ahayd in Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka dalbadaan in uu cid u soo dirto Dooda Qaran, waxaana la sheegay in uu Cirro ka cudur daartay qaab qoraalka Warqadaasi oo uu qirtay in ay si qalad ah uga soo baxday.


Maadaama oo aanay labada dhinac war-murtiyeed ka soo saarin illaa hadda kulankooda iyow axa laga yeelayo Doodii Qaran lama garan karo waxa xigi doona iyo haddii la isku waafaqay qabsoomideeda goorta ay dhici doonto.

 


Timacade News Desk
Hargaysa, Somailand