"Madaxweyne Siilaanyo ma aha Madaxweynihii Qabyaalada Qa byaaladna
Laguma Dooran Codka Ugu Badana Waxa uu Ka Helay Deegaankaaga Oo Uu
Kasoo Jeedaa"Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe
Hargeysa (TNN):-Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamid ah
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo baxey Xisbiga
Kulmiye Gobolka Gabiley ayaa, ka jawaabay hadal uu Xildhib aan
Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo
Somaliland qabyaalada kajirta isagu aabo ugu yahey,yaheyna
Madaxweynihii qabyaalada.
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe,oo shabakada wararka hadhwanaagnews
u waramey ayaa si adag uga jawaabay hadalka Xildhibaan Bashiir
Tukaale,waxaanu sheegay in aan Madaxweyne Sii laanyo aheyn
Madaxweynihii qabyaalada balse, uu yahey Madaxweynihii Somaliland oo
aan qaby aalad lagu dooran codka ugu badana uu ka helay Deegaanka uu
kasoo jeedo Xildhibaan Tukaale isagoo arimahaa kahadlaya waxa uu
yidhi.
"Anuu ma jeci inaan inta badan ka hadlo Warbaahinta,waxaanse la
yaabay ninkaa Xildhibaanka ah ee Shaley
hadalayay oo Madaxweynaha Somaliland Mr Siilaanyo ku sifeeyay oo
yidhi waa Mad axweynihii Qabyaalada waxa aan leeyahey Bashiir wuu
khaldamay wax kale oo uu ku tilmaamo ayuu waayay,Madaxweyne
Siilaanyo nin qabyaalad ku shuqul leh ma aha markii la dooranayey
qabyaalad laguma dooran,codka ugu badana adiga deegaankaaga ayuu ka
helay,wuu kasoo jee daa,Bashiirow ma qabyaalad ayeynu kusiinay
markeynu siinaynay inta kabadan afartanka kun ee cod ma qabyaalad
ayaad ku siisay mise Somalilandnimo,waxaan leeyahey arintaasi arin
meesha kujirta may aheyn arin afka kaweyn weeyaan waxa kale oo aad
tidhi Madaxweynaha ka aad la doonayso maanta ee Gudoomiyaha Wadani
halagu siiyaad tidhi qabyaalad isagana wax baad yeeshay, meesha
qabyaaladi mataalo qaran baynu nahay axsaab baynu nahay dareenbaa
dadku isku dooranayaa mabaadii ayaa la isku dooranayaa, mabaa dii
baana la isku khilaafaa goor walba ma aha inaad lasoo taagnaato
waxyaabo aan midho laheyn oo aan dhaxal laheyn inaad ku hadh adasho
ma aha waxaan leeyahay fadhiga fadhi uga noqo arintaasi meel baad
kaga dhacday odey ga xaal ka bixi dib dambeysana ha augu hadlin wax
kaloo layidhaahdaa wey badan tahaye Axmad Maxamed Maxamuud Siilaanyo
nin qabyaalad lagu sheego ma aha"Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim
Axmad Haybe.
Waxa kale oo uu ka hadley Xildhibaan Ibraahim Axmad Haybe ka hadley
mar uu ka jawaabayay, waxa uu Siilaanyo ugu abaal celiyay Dadweynaha
Reer Gabiley ee Doorashadiisii siiyay codadka badan iyo tabashooyin
ay xiligan Reer Gabiley ka qabaan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo
isagoo ka jawaabaya su,aashaasi waxa uu yidhi.
"Wax laga tabayana ma ogi wax badan ayuu noo qabtey oo xaqiiq ah wax
dhami goor walba majiro,aduunyada inta la nool yahey wey taban tahey
marba waxbaa dhiman hadiise la la leeyahey wax malaga qabtey Gabiley
dee intii uu joogay iyo intii ka horeysayba wax waa laga qabtey
Gabiley intii dowladii ka horeyseyna waxbaa laga qabtey tii horena
dafiri mayno"Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe ka gaabsadey
Arinta,Ceelbradaale kadib markii su,aal laga weydiiyay in uu kamid
ahaa ragii ugu adkaa Mucaaridada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley
islamarkaana, ay Xukuumada waajib ku tahay in ay wax ka weydiiyaan
sababaha loo dhameyn waayay xaaladii Deegaanka Ceelbardaale iyo
arintaasi.
"Arinta Ceelbardaale aniga iima taalo waxey u taalaa cida ay
khuseyso waxaananu jecelnahay oo aanu Xukuumadana ku dhiirinaynaa in
ay arintaa guda gasho oo ay dhameyso waana waajibaadkeeda in ay
dhameyso ayaanu doonaynaa labada Reer ee wax kala sheeganayaana sida
ay imikaba u wax isku ahaanshaha tolnimada iyo qaraabada,sidaa uun
ha iskugu yimaadaan wixii ay kala tabanaayaana ha sheegtaan
dowladauna waxaanu ka rajeyneynaa in ay dhiiri galiso oo dadka
walaalaha ah wadahadalsiiso"Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu ka hadley Xildhibaan IbraahimAxmed Haybe
khilaafaadka ka dhex taagan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.
"Golaha Deegaanka Degmada Gabiley howl ayay wataan howshoodana xaq
bay u leeyihiin,waxa aan taa ka leeyahey sidii aanu ku nidhi
Wasiirkaba Wasiirku qoraalkii hore ee uu sameeyay waanu kala
hadalnay waanu ka noqdey waanu dhameynayaa Golaha Deegaankaanay, u
taalaa wixii dhameys tir ahi,waxaanan kula talinyaa meesha waxaad u
timaadeen waxa weeyi inaad dadka waxtartaan,dedaalkiinu yaanu noqon
uun hebel meesha ka qaad iyo hebel meesha ka tuur cida aad la
doonaysaan waxa ka horeeya inaad qorshe sameysaan,oo aad dedaalo
sameysaan oo dabeetana sidaa aad maayar ku doorataan ama ku deysaan
kuwa idiin jooga hadii ay idiin hagaagayaan iyo hadii kaleba taasi
waa arin idin khuseysa waxaanan leeyahey dedaalkiinu ha noqdu uun
waxqabadka Gabiley"Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe.
Gabagabdii hadalkiisana waxa uu fariin dardaaran ah u gudbiyay
shacbiga reer Gabiley.
"Shacbiga Reer Gabileyna waxaan leeyahey dulqaadka hala badiyo,marka
wax yar adkaadaanba yaan la qeylinin dabeecado badan oo aan Reer
Gabiley lahaan jirin oo imika soo biirteybaa jirta bal arimahaana
wixii la tabanayo hala sheegto,hadana asluubteedii haloo sheegto
yaynaan wax siyaado ah ku darin laakiin dadku way tabanaayn wax waxa
ay tabanayaan xaq bay u leeyihiin in ay sheegtaan"Ayuu hadalkiisa
kusoo Gunaanaday Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe.
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe kk katirsan Mudanayaasha aqalka
SWakiilada Somaliland ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxey Gobolka
Gabiley waxa uu kamid ahaa Xubnihii ugu mayalka adkaa Mucaaridada
Xisbiga Kulmiye ee Doorka weyn kasoo qaatey Dorashooyinkii Xisbiga
Kulmiye lasoo galey Xisbigii uu talada kala wareegay ee Udub kuwii
Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, isla mark aana, had iyo jeer arimaha
Siyaasada Gobolka Gabiley saamaynta badan ku lahaa wakhtiyadii hore.
Cabdiraxmaan Nuux Axmed (hiiraan)
|