Madaxweyne Siilaanyo Oo Dadweynaha Kala Qayb-galay Sala adii Ciida Iyo Nuxurka Khubad Uu Ujeediyey Shacabka

 



Madaxweynuhu waxa uu ILAAHAY uga baryay dadka xanuunsanaya ee...


Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka sala adii ciidul fidriga ka dib khudbad uga jeediyay kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeys a Masjidul jaamaca weyn ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu horayn dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka oo uu ugu tahniyadeeyay munaasibadda ciidul fidriga awgeed, waxaanu she egay inuu ILAAHAY uga baryayo inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Madaxweynuhu waxa uu ILAAHAY uga baryay dadka xanuunsanaya ee caafimaad darteed aan ka qeyb galin ciida uu shaafiyo.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay caalamka u cadaynayaan in Somaliland tahay dal aan gor go rtan ka geli Karin masiirkiisa.

“Waxaan shacbiga u soo jeedinayaa inaynu ilaashano nabad-gelyada dalka iyo midnimadda Somalil and.waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo walaalaheena Koonfureed ee Soomaaliya arrimaha ka socda dalkaasi waxaan doonayaa inaan u cadeeyo dadweynaha iyo caalamkaba in Somaliland ay tahay dal madax-banaan. Waxaan jeclahay inaan dunida ka dhaadhicino in ummaddani ay tahay mid madax-banaanideeda muddo dheer u soo halgantay oo wax ka joojinaya iyo wax ka bedalayaa mid na aanu jirin qaranimadeeda,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay “Waxaanu jecel nahay in Dalkaas (Soomaaliya) ee aanu walaalaha nahay iyagana ILAAHAY dhibaatada ka dul qaado oo nabad-gelyo iyo dawladnimo ay samaystaan oo dad jaar ah oo walaalo ah aanu noqono.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay iskaashadaan oo nabad-gelyadooda meel uga soo wada jeestaan.

 

 


Khalid Xabsi
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland