WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Madaxweyne Ku Magacaabay Guddida Hawsha Diy aarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 wasiir. Madaxweynaha Jam huuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxwey ne oo summadeeduJSL/M/MG/081/1-3495/082015ku magacaabay guddida Hawlsha Di yaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 wasiir.


Ujeeddo:Magacaabid Guddi


Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Biyaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka



Mudanayaal,


Sida aad la socotaan, ee uu dhigayo Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Som aliland, dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda, mas’uuliyadiisana dawladda a yaa xil ka saaran yahay.

Haddaba, waxa muuqata in dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland si sharciga baal marsan lo ogu tagri falayo. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Diyaarinta Qabyo-q oraalka Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Somaliland.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlsha Diy aarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka.





ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL