Madaxweyne
Siilaanyo oo Diiday in Somaliland Laga Dhiso Maxkamad Lagu Qaado
Dacwadaha Budhcad-badeedda Caalamiga ah
Xeer-ilaaliyaha Guud oo badheedhihiisa ka dhiibtay aragtidiisa ka
qaybgalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ee shirkii arrimaha
Soomaaliya
Xabsiga Hargeysa oo loo qoondeeyey inuu noqdo goob lagu hayo
budhcad-badeedda dacallada adduunka lagu xukumo
Hargeysa (TNN)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa
ganafka ku dhuftay qorshe Qaramada Midoobay ku doonaysay inay
Somaliland kaga dhisto maxkamad gaar u ah qa adista dacwadaha
maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee caalamku qabqabto.
Sidaa waxa caddeeyey ka qaaday Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Somaliland Dr. Xasan Axmed Aadan oo xafiiskiisa ugu warramayey
shalay weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya iyo HCTV, isagoo dhinaca
kalena shaaca ka qaaday inay oggolaadeen in Xabsiga Dhexe ee
Hargeysa noqdo goob si ku-meel-gaadh ah loogu hayo maxaabiista
budhcad-badeedda ee lagu xukumo dunida dacallade eda.
Dr. Xasan Axmed Aadan oo ka soo laabtay shir caalami ah oo ay isaga
iyo Wasiirka Caddaaladda Prof. Ismaaciil Muumin Aare dhowaan kaga
qaybgaleen Jasiiradda Seychelles ee ku taal Badwe ynta Hindiya,
waxa uu ku tilmaamay shirkaas inuu ahaa guul siyaasadeed oo u soo
hoyatay Som aliland.
“Madaxweynaha ayaa diiday qorshe Qaramada Midoobay noo soo gudbisay
oo ay ku doonaysay in Somaliland lagaga hirgeliyo maxkamad caalami
ah oo lagu qaado dacwadaha kooxaha budhcad-badeedka Soomaalida ee
lagu hayo daafaha adduunka, isagoo Madaxweynuhu u cuskaday
go’a ankiisa khataraha arrintaas kaga iman kara Somaliland sida;
xasillooni-darro iyo aargoosi ay bulshada reer Somaliland kala
kulmaan haddii halkan [Somaliland] lagu maxkamadeeyo ehelahada
budhcadda badaha oo dhammaantood ka soo jeeda dalka Soomaaliya ee
deriska la ah Somaliland sidii horeba u dhacday, balse ilaa hadda
UN-ku kama hadhin hindisahaas oo weli way sii hadal hayaan in
maxkamad laga dhiso Somaliland, laakiin dawladda Somaliland way
diiday qorshahaas,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud.
Xeer-ilaaliyaha Guud oo ugu horreyn sharraxaad ka bixinayey
ujeeddada shirkaas, cidda soo qab anqaabisay, natiijada ka soo
baxday iyo dhinacyada ka qaybgalay, waxa uu hadalkiisa ku
bilaa bay sidan:
““Shirkaas waxaannu kaga qaybgalney magaca Jamhuuriyadda Somaliland,
waxana martiqaadka rasmiga ah noo soo diray Wasiirka Arrimaha Gudaha
ee Jasiiradda Seychelles oo ka mid noqotay dalalka aqoonsaday in
baasaboorka Somaliland lagu galo Itoobiya, Koonfur Afrika, Uganda,
Kenya iyo kuwo kale.
Markii hore waannu diidnay inaannu shirka ka qaybgalno oo qolada UN-ta
ee soo qabanqaabiyey ayaa noo soo diray qoraallo ay Somaliland ku
sheegayeen gobol Soomaaliya ka tirsan, laakiin ma rkii dambe
dawladda Seychellees ayaa toos noo martiqaadday, markii aannu
shirkii tagnayna w aa nalaga raalligeliyey khaladkii hore ee
aannu diidnay oo madaxweynuhuna nala qaatay.
Shirka aannu kaga qaybgalnay Jasiiradda Seychelles oo ahaa mid
caalami ah oo runtii muhiimad weyn u lahaa qaddiyadda
madaxbannaanida Somaliland, isla markaana noqday fursad muhiim ah oo
aynu codkeena ka dhiiban karno, waxa ka qaybgalay wufuud ka kala
socday waddamada ca alamka iyo Qaramada Midoobay, kaas oo
ujeeddadiisu ahayd laba arrimod oo kala ah; la-dagaal lanka
budhcad-baddeedda iyo is-dhaafsiga maxaabiista xukuman ee ku jira
jeelasa dalal kala du wan oo adduunka ah.
Mar uu ka hadlayey tirada maxaabiista falalka budhcad-badeednimo ugu
xidhan xabsiyada Somal iland, waxa uu sheegay inay dhan yihiin
78 maxabuus oo dhammaantood u dhashay Soomaaliya, isagoo intaa intaa
ku daray in ay sidoo kale jeelasha Seychelles ku booqdeen, isla
markaana mid-mid u waraysteen 46 budhcad-badeed Soomaali ah oo ku
xidhan jasiiraddaas, si ay beesha caa lamka ugu qanciyaan in
xeebaha iyo bulshada Somaliland-ba ka fayow yihiin mushkiladda
budhc adda badaha ee dhibaatada weyn ku haya dunida.
Xeer-ilaaliye Xasan oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan in Xabsiga
Dhexe ee Hargeysa yahay goobta loo qoondeeyey haynta maxaabiista
budhcad-badeedda Soomaalida ee lagu xukumo adduunka waxa uu yidhi;
“Mabda’iyan waxa laysla qaatay in Somaliland noqoto dal saddexaad oo
ka madaxbannaan waddanka budcad-baddeedda la qabtay u dhasheen iyo
ka xukumay oo si ku-meel-gaadh ah loogu hayo maxaabiista xukuman oo
ku kala jira jeelal ku kala yaal Holland, Jarm alka, Seychelles,
Maraykanka, Kenya iyo meelo kale, iyadoo shuruudo adag ku xidhan
yihiin qaab ka lagu keenayo Somaliland, kuwaas oo ay ka
mid yihiin in maxbuusku codsado inuu xukunkiisa ku dhammaysto
Somaliland si uu ugu dhawaado ehelkiisa ku nool dalka Soomaliya ee
deriska la ah Somaliland iyo in beesha caalamku halka [Somalialnd]
ku diyaariso imkaaniyaadka looga baahan yahay kor-u-qaadista nolosha
xabsiyada dalka…. Waad aragteen sariiraha iyo qalabka la keenay
xabsiga cusub ee Hargeysa oo noqonaya halka hawshaas laga bilaabayo,
sidoo kalena waxa qor shaha barnaamijkan ku jira dhismaha xabsi
caalami ah oo laga hirgelin doono Gobolka Tog dheer amma
Saaxil.
Haseyeeshee, hirgelinta qorshahaasi waa mid ku xidhan marka
goleyaasha xeer-dejinta ansixi yaan shuruucda iyo xeerarka
barnaamijkaas oo aannu u gudbinay Golaha Wasiirada, si ay uga
doodaan, una ansixiyaan, kadibna loogu gudbiyo Baarlamaanka oo leh
awoodda oggolaanshaha mashruucaas oo runtii ah mid kor-u-qaadaya
meeqaamka Somaliland iyo xidhiidhka adduuu nyada.”
Geesta kale, Xeer-ilaaliyaha Guud oo la weydiiyey aragtidiisa ku
wajahan baaqyada axsaabta m ucaaradka ah ku dalbanayaan in
maxkamad la horkeeno Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar oo ay ku eedeeyeen inuu ka qaybgalay shir ka dhan
ah qaddiyadda madax bannaanida Somaliland oo dalka Ingiriiska
loogu qabtay toddobaadkii hore kooxaha Soomaaliya, waxa uu ku
jawaabay; “Qaddiyadda ictiraaf-raadiska Somaliland waa mid meel adag
ku jirta, una baahan helista fursado ay codkeeda caalamka ugu
gudbiso, shirka Ingiriiska ka dhacay iyo ka aannu kaga qaybgalnay
Seychelles labaduba waxay ahaayeen fursado qaali ah oo Somaliland
heshay, sida muuqatana waqti isku mid ah ayaa si siman hadalka loo
siiyey dawladda TFG-da iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland,
markaa tallaabada wasiirkeennu qaaday waxay mudan tahay in lagu
taageero, laakiin waa ayaan-darro in mucaaradku siyaasadeeyaan,
waayo waa mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Somaliland
labaatanka sannadood aqoonsiga ku raadinayaan.”
“Shirkaas waxa Somaliland ahaan noogu casuuntay dawladda Seychelles,
waxana ujeeddadiisu ahayd sidii la isu dhaafsan lahaa maxaabiista
xukuman ee jeelasha ku jira, haddii maxaabiistu jeclaadaan inay u
dhowaadaan qaraabadooda. Arrintaasi waxay dhibaato ku haysaa
dawladda Seychelles oo ah jasiirad yar.
Annaga Somaliland ahaan difaacayagu waa in wixii biyaheenna amma
dhulkeenna ka dhaca aan nu la wareegno oo xabsiga u taxaabno.
Maxaabiista budhcad-badeedda waxa iminka dalkeenna ku xidhan 70 ilaa
80 Budhcadbadeed ah, iyagana [beesha caalamka] waxaannu ku nidhi
haddii aad haysaan cid Somaliland u dhalatay badka soo dhiga,
laakiin wixii kale shuruucda caalamka u yaal ayaannu u ixtiraamaynaa.
Ta labaad waxa weeye waddamada adduunka oo dhan ayey ka dhexaysaa
iswayadaarsiga max aabiistu, taasna Somaliland cid kasta way
kala hadlaysaa iyadoo xor ah oo si siman ayaannu uga wadahadlaynaa.”
Sidaana waxa yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland Prof. Ismaaciil
Muumin Aare oo isaguna dhinaciisa shabakadda Hadhwanaagnews uga
xog-warramay ujeeddada shirka ay kaga qaybgaleen Jasiiradda
Seychelles iyo waxyaabaha layskula qaatay.
“Waxaannu ka mid nahay waddamada budhcad-badeeddu dhibaataysay oo
waddadii ganacsiga adduunku marayey Bada Cas iyo Bada Cadmeed iyo
Badwaynta Hindiya ayey wax noo soo mar ayeen oo wixii xagayaga
ka tagayaa noo sii maraan, taasina way na aafaysay oo caymiskii ayey
ku qaaliyeysay dadkayga oo qiimihii ayaa ku qaliyoobay, siyaasad
ahaanna gobolkayaga iyo dhibaatada Soomaaliya aafaysay ayaa saamayn
weyn nagu yeelatay, markaa waxaannu diyaar u nahay in aannu dagaalka
budhcad-badeedda kala qaybgalno caalamka,” ayuu yidhi Prof. Aare oo
ka hadlayey farriinta ay Somaliland ahaan u gudbiyeen ergooyinka
shirkaas isugu yimi.
Shirka dawladda Sheychelles ku martiqaadday masuuliyiinta Somaliland
ee lagaga hadlayey arrimaha budhcadbadeeda Soomaalida iyo dhibaatada
ay gobolka iyo guud ahaan caalamka ku hayaan, waxa kaloo ka
qaybgalay masuuliyiin ka kala socday Maamul-goboleedka Puntland,
dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya yo wufuud tiro badan oo
caalami ah, waxana si mug leh loogu lafoguray halista budhcadda
baduhu ku hayso gaadiidka isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo
Badweynta Hindiya.
Source: Jamhuuriya Online
|