WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/MG/083-1696/042013 ku mag acaabay Gudi qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Cara ale (Duur).



Magacaabida Madaxweynaha:-

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda Hargeysa

Ku: Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta Hargeysa

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Hargeysa

Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Hargeysa

Ku: Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa Hargeysa

Ku: Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda Hargeysa

Ku: Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe Hargeysa

Ku: Xildhibaan Maxamuud Axmed Oobsiiye Hargeysa

Ku: Mudane, Maxamed Baarjeex Hargeysa

Ku: Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed Hargeysa

Ku: Marwo, Aamina Yusuf Aar Hargeysa





Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid

Mudanayaal iyo Marwooyin,Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf Warsame Siciid.

Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka.


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.