WAR-SAXAAFADEED

 


 “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaa nyo) waxa uu Maanta Gudi heer qaran ah ka kooban 10 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xild hibaano, Abwaano, Aqoon yahano iyo Maayarka Caasimada Hargeysa u magacaabay inay noqdaan Gudida Qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaana Gudoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane, Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad)



Gudigaasina waxay kala yihin:-


Ku:Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Guddoomiye Hargeysa


Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xubin Hargeysa


Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin Hargeysa


Ku:Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Xubin Hargeysa


Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xubin Hargeysa


Ku: Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin Hargeysa

Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Xubin Hargeysa

Ku Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Xubin Hargeysa


Ku:Mudane, Maxamed Xaashi Cilmi Xubin Hargeysa

Ku: Abwaan xasan Ganay Xubin Hargeysa


Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Gaariye

Mudanayaal,

Sida aad ka warhaysaan waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u nax ariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo taariikh mug-weyn ku leh jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.


Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya is ka saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aas ka Marxuunkan."

 



ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.