Madaxweyne Siilaanyo Oo Itoobiya ku Bogaadiyay 22 guuradda markii la riday Taliskii Mingiste


 

 

 



Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadla aya afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Dhamb aal Hambalyo ah u dirayaa Dalka aynu wallaaha iyo Jaarkaba nahay ee Ethiopia iyo Sha cbi weynaha Dalkaasi, isaga oo Madaxweynuhu ku Hambalyeynayaaya sanad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga Ethiopia ka guulaysteen Rajiimkii militeriga ahaa ee xiligaasi xukumaayey Dalka Ethiopia oo ku beegan 28/05/2013.

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Ethiopia Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweyn uhu u rajaynayaa Shacbiga iyo Dawladaba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Gu ul, Barwaaqo, iyo Ethiopia oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.
 


ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xog-hayaha gaarka ah ee Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Ahna ku simaha Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.