Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Magaalada Hargeysa Loogu Sameeyay Marxuum Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle


 


Marxuumka oo saaka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa oo uu in muddo ah xanuun u jiifay, ayaa lagu aasay xabaalaha....


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay aas Qaran oo loo sameeyay Marxuum xildhibaan Aadan Tarabi Oogle oo ka mid ahaa mudanayaasha Golaha Wakiilada.

Marxuumka oo saaka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa oo uu in muddo ah xanuun u jiifay, ayaa lagu aasay xabaalaha Naasahablood, waxaana aaska sida oo kale ka qaybgalay shir-guddoonka , xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, xubnaha Golaha wasiirada iyo madax dhaqameedyada dalka qaarkood iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu tacsi u diray qoyskii , qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Somaliland . isaga oo Ilaahay uga baryay Marxuumka in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Waxa kale oo iyana Marxxuum Aadan Tarabi Oogle tacsi u diray, shir-guddoonka baarlamaanka iyo siyaasiyiin u aqoon u lahaa.
 

 


Timacade ,News Desk
Hargeysa Somaliland