Madaxweyne Siilaanyo oo ka tacsiyadeeyay shacbiga Somaliland shilkii khasaaraha balaadhan geystay





Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray eheladii iyo shacbiga Somaliland oo ee ay ka geer iyoodeen Shan qof oo Sadex ka mid ahi ahaayeen Ciidanka Booliska iyo Laba Shacab ah. ka dib markii Laba baabuur ay isku dhaceen maanta tuuladda Haleeya ee duleedka bari ee Magaaladda Hargeysa.

Waxa kale oo shilkaasi ku dhaawacmay Shan iyo Labaatan ka mid ah Ciidanka Booliska.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray Guud ahaan Dhamaanba dadkii ku geeriyooday Shilkaas iyo kuwii ku dhaawacmay waxaanu eebbe uga baryay in uu naxariistiisii jano ka waraabi yo intii ku geeriyootay Shilkan.

Waxa kale oo uu ilaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay Shilkan ka dhashay labada gaadhi.

 



Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland