Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Dheer Oo Dhinacayo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay Shirkii Ka Dhacay London Sheegayna In Somaliland U Qalanto In La Aqoonsado

 



“Somaliland waxa ay xorinimadeedda dib ula soo noqotay 1991 kii wakhtigaas oo ay go’aansatay in ay gooni isu taagto, dalka Somaliland waxa ka dhacay Doorashooyin kalla duwan" Siilaanyo


London (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan yo ayaa khudbad dheer oo dhinacayo badan taabanaysa maanta ka jeediyay shirkii ka socdey magaa ladda London kaas oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 45 Madaxweyne oo ka mid ah kuwa beesha caalamka, haayaddo caalami ah, Qaramadda Midoobey, iyo masuliyiin kalle.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hedlay sidda ugu haboon ee xal waara loogu helli karo dalka s omaliya ee dagaaladda iyo colaadu aafeeyeen, waxana uu sheegay in Dawladda Somaliland ay diyaar u tahay in khibradeedda ay uga faa’iideyso dalka somaliya, waxana uu sheegay in Somaliland ay diya ar u tahay in ay ka shaqayso sidii xal loogu heli lahaa Dalka Somaliya.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland ay xorimadeeda la soo no qotay 1991 kii sidaas awgeedna ay go'aansatay isla markaana ay ka shaqaysay Arimaha Horumarka, waxana uu tilmaamay in Somaliland ay guul ka gaadhey Dhanka Aamank, waxana uu tilmaamay in sha cabka iyo siyaasyiinta Somaliland gar waaqasadeen isla markaana ay fahmeen Muhiimaddu uu lee dah ay Nabadgelayaddu.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland ay 20 jirsatay sidaas awgeeddana labaatank aas Sanno ay ka gaadhay dhanka nabadgelyadda, Caafimaadka iyo Waxbarashadda kaalin muuqata, waxana uu carabka ku dhuftay in Somaliland ay ka jirto Dimuqraadiyadda, doorashooyin kala duwan oo u dhacay hab nabadgelayo ah, waxana uu intaas ku daray Madaxweyne SIilaanyo in Bulashadda Somaliland go’aansatay in ay ka godo somaliya, sidaas awgeed waxa uu sheegay in beesha caalamku ay qadariyaan isla markaana ay xushmeeyaan rabitaanka umadda Somaliland.

Somaliland waxay lee dahay Xudood, ciidan , lacag iyo baasaboor u gooniya ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, Somaliland waxay ka fakartay oo ay ka tashatay mustabalkeedda fog waxana ay diyaar u tahay in ay gooni isku maamusho, ayuu si qayaxan u sheegay madaxweynaha Somaliland.

“Somaliland waxa ay xorinimadeedda dib ula soo noqotay 1991 kii wakhtigaas oo ay go’aansatay in ay gooni isu taagto, dalka Somaliland waxa ka dhacay Doorashooyin kalla duwan kuwaas oo u dhacay si xaq ah oo xalaal ah, waxana goob joogayaal ka ahaa haayaddo caalami ah, Somaliland ma haysta aq oonsi caalami ah, waxana ay beesha caalamka ka sugaysaa in la ictiraafo Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo .


 


Timacade News desk
London ,UK