Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Xadhiga Ka Jarey Gar oonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa Oo Dib u dhisBalaadhan Lagu Sameeyey
 


“horu marka uu sameeyey waa mid aynu ku faanayno, waana mid aynu uga mahad naqayno cid kasta oo inaga caawisay"ayuu yidhi siilaanyo ..... Daawo Sawirro aad U Tirro badan


Hargeysa (TNN):- madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib markii dib habayn lagu sameeye,Munaasibada xadhiga lagaga jarayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ka qabsoontay isla garoonka diyaaradaha ayaa waxa madaxweynaha Somaliland ku wehelinayey xubno ka mida golihiisa wasiirada,masuuliyiin ka socday wadanka Kuwait oo maal galiyey dib u dhiska lagu sameeyey garoonka caasimada,xubno ka socday safaarada wadanka Ingiriisk ee magaalada Addis,masuuliyiinta shirkada dhisaysay garoonka ee Chine Hono Group iyo marti sharaf kale
.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlay munaasibadan lagu furayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay horumarka ay xukuumadiisa waxaanu yidhi“halkan waxa laga sheegay waxyaalaha badan ee ay qabatay dawlada Somaliland, wax qabadyada aanu qabano ugu danbayn mayso tan garoonka diyaaradaha, waanu sii kordhin doonaa, ka sii badin doonaa, waxaanu dawladda qaranka ku nahay ee umadu xilka noogu dhiibatay waa inaanu umada wax ku soo kordhino oo aanu horu marino, horu kicino waji kasta oo ay tahay iyo wax kasta oo nolosha dadweynaha saamaynaya.”ayuu yidhi
.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay garoonka diyaaradaha ee caasimada iyo waxyaalaha ku soo kordhay waxaanu yidhi “Aiport-ka qaranka ee Cigaal International ee ku yaala magaalo magaalada hargeysa ,madaar qaranka waxa weyn ee ka qabsoomay iyo horu marka uu sameeyey waa mid aynu ku faanayno, waana mid aynu uga mahad naqayno cid kasta oo inaga caawisay dib u habaynta garoonka, anaga oo aad ugu mahad naqayna dawlada Kuwait, waxaan hanbalyo balaadhan u soo jeedinayaa wasiirka duulista iyo hawada iyo shaqaalaha wasaarada waxa weyn ee qiimaha leh ee ay halkan ka qabteen.” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu horayntiiba ka hadlay munaasibada lagu furayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka war bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray garoonku, isaga sheegay in mudadii ay Somaliland jirtay ay tahay markii ugu horaysay ee wax laga qabto run-way-ga ay diyaaraduhu soo dagaan ee garoonkaas waxaanu yidhi “Run Way-ga aynu maanta furayno oo lagu sameeyey dib u habayn iyo casriyeyn ka kooban 4266m, waxa la sameeyey 1958 iyada oo dawlada ingiriisku samaysay, diyaaradaha loogu tala galay wakhtigaas inay ka soo degaan iyo dadka loogu tala galay inay ka dhoofaan waxay ahayd mid aad u kooban, mudadii ay jirtay dawlada somaliya wax hawla oo laga qabtay may jirin taas oo muujinaysa in qaniimadaas wadanka somaliya aan si siman loo qaybsan, maanta waxaynu dib u adkayn ku samaynay Run way-gii hore ee ay dawlada dhistay iyada oo dawlada Kuwait ku bixisay 10,000,000.”
.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyey masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawada Somaliland iyo dawlada Kuwait oo gacan wayn ka gaysatay dhismaha garoonka.


Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo wasiirka arimaha debada Maxamed Biixi Yoonis oo iyaguna munaasibada ka hadlay ayaa soo dhaweyey dib u dhiska iyo dib habaynta lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland