Madaxweyne Siilaanyo Oo Maayar Jiciir Ku Amray In Aanu Bixin Karin
Dhulka Guriga Xisbiga Ee Maanta Mudaharaadku Ka Dhacay
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka
Madaxtooyad da...
Hargeysa (TNN) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
aya a caawa go’aan uu ku xayirayo ka soo saaray wajahada dhulka
guriga xisbiga ee Magaala da Hargeysa oo D/Hoose ee Hargeysa ay u
qeybisay dad ganacsato ah, taasi oo maanta rabsh ado ka dhaceen.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka
Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaany o) waxa uu Amar ku bixiyey in aan Dhulka ku
Xeeran Guriga Xisbiga aan la bixin Karin, la iibin Karin sifo kalena
loo isticmaali Karin.
Madaxweynuhu waxa uu ku yidhi xayiraada Dhulkan: Waxaa jirta in
Xukuumaddu u qorshays ay baahi Qaran Guriga Xisbiga iyo dhulka ku
xeeran, iyadoo ay hore u jirtay ku tallo-gal naqs had-dhuleedka
danta guud ee aan Xukuumadii hore kala wareegay, isla markaana Madax
we ynihii hore ka soo saaray qoraalka summadiisu tahay JSL/M/MHH/241/0506
ee 06/05/06, taas oo u muuqata in aan la tixgelin.
Sidaas darteed, Mudane Guddoomiye,(Duqa Caasimada Hargeysa) ahna
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, maadaama baahi Qaran dhulkaas
loo qabo, waxaan ku farayaa in aan dhulkaas la bixin karin waxna
laga dhisi karin wajahadiisa, sii jeed & soo jeed iyo dhammaan ba
Dhulka ku xeeran Guriga Xisbiga.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa la farayaa
inuu warbixin ka soo diy aariyo fulinta amarka warqadani xambaarsan
tahay.”
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|