WAR-SAXAAFADEED
 

 

 

Taariikh:17 October 2011

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Ma daxweyne oo Numberkeedu yahay 0172/102011 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweyna ha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco ee Jamhuuriyada Somaliland.



Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,



Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco,



Markuu Arkay: In baahi loo qabo Magacaabidda
jagadan, Markuu Ka fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa
iyo Hufnaantiisa shaqo,



Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loomagacaabay

Wuxuu go’aansaday:- In Mudane, Barkhad Jaamac Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta 17.10.2011 uu ahaado La-TaliyahaMadaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco ee Jam huuriyada Somaliland.”