Madaxweyne Siilaanyo Oo Oo Baarlamaanka U Gudbiyay Xeer Mu shahar Loogu Xadeeyay Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka

 



Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola Madaxtooyada iyo golayaasha.........

Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu golaha wakiilada Khamiistii todobaadkii hore usoo gudbiyay xeer cusub oo xu quuq mushahar loogu xadeeyay masuuliyiinta jagooyinka hab maamuuska Qaran ee dalka hore uga soo qabtay sida Mansabyada Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, gudoomiyaha golaha wakiilada iyo gudoomiyaha golaha guurtida.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola Madaxtooyada iyo golayaasha sharci dajinta ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo xeer cusub oo xukuumadu soo curis ay oo mushahar loogu qoondeeyay masuuliyiintii jagooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyayaasha labada gole ee Baarlamaanka hore u soo qabtay usoo gudbiyay Khamiistii todobaadkii hore, kuwaas oo la sheegay in qodobada xeerkaasi cusub lagu cadeeyay in masuulka hore jagada Madaxweyne dalka uga soo qabtay mushahar bishii u qaato $2,300, halka masuulka jagada Madaxweyne ku xigeenka soo qabtayna la sheegay in loogu cayimay inuu bishii u qaato mushahar dhan $1,750, halka sidoo kalena la sheegay in gudoomiyayaasha golayaasha wakiilada iyo guurtida jagooyinkaasi soo qabtayna musha har ay bishii u qaataan min $1,500.

Xeerkaasi cusub ayaa sidoo kale qodobadiisa lagu sheegay in masuulka jagooyinkaasi hore u soo qabtay ee mar kale jagooyinkaasi isku soo sharaxa ama xisbi gala uu xuquuqdaasi m suhahar laga joojinayo, isla markaana waayayo xuquuqda xeerkaasi loogu cadeeyay.
Xeerkan cusub ayaa la sheegay in golaha wakiiladu ay doodo ka yeelan doonaan qodobada uu xambaarsan yahay, kaas oo la filayo in kalfadhiga 18aad ee maanta furmaya goluhu ka ga doodi doono xeerkaasi masuuliyiinta jagooyinka hab maamuuska qaran ee dalka hore u soo qabtay xuquuqda loogu cayimay.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay qasriga Madaxtooyada kulan kula yeesha y xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee golaha wakiilada iyo hogaanka sare ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, oo la sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay doorka xisbiga Kulmiye iyo dard ar galinta tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 28 November 2012-ka.


Source :Haatuf