Madaxweyne Siilaanyo oo qalinka ku duugay Xeerka Sirdoonka Qaranka iyo Xeerka mihnadlayaasha Caafimaadka


 

 


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Qalinka ku duugay digreeto uu ku..........


Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Qalink a ku duugay digreeto uu ku Dhaqan-gelinayo Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Xeerk a Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka.

Digeertooyinka uu Maanta Madaxweyen Siilaanyo ku saxeexay labadani Xeer ayaa waxa la gu faafiyey War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxee xnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul), War Murtiyeedyad aasi ayaa u dhignaa sidan:-

Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka

“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee

Jamhuuriyadda Somaliland.”
Xeerka Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka

“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka.
Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/582/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001;
Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland