War-saxaafadeed


 

 

Date: 06/07/2011

 


Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga M adaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka socda EU-da, oo uu hogaaminaayey Andris pieb algs oo ah Commissioner for Development EU-da ka socda oo socdaal ku yimid Dalka.



Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabad-gelya da, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Dhaqaalaha.

Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga warbixin ka siiyey xaalada dalku halka ay marayso mud adii koobnayd ee ay Xukuumadani xilka haysay iyo waxyaalaha u qorshaysan hada.



Madaxa Weftiga Andris piebalgs ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeey ey sida diiran ee uu u soo dhaweeyey Madaxweynuhu iyo sida ay u soo dhaweeyeen dadweyna ha reer Somaliland oo uu aad uga mahad sheegtay Mr Andrin.

weftigu waxa uu somaliland ku dhiirigeliyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhis maha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tah ay in ay Somaliland ka caawiso Dhismaha Wadooyinka, Dekeda Berbera iyo Mashaariicda Biyaha oo ay gacan weynka gaysan doonaan si dadku u helo biyo ku filan iyo in ay kor u qaadidoonan dedaalkooda la xidhiidha dhaqaalaha ay Somaliland ugu talo galeen inay ku caawiyaan taas oo uu sheegay Andrin piebalgs in ay sidii ay horeba u balan qaadeen ay kaga dhabayn donaan balan qaadkooda.

Gebegebadii kulankan waxa ay weftigu madaxwaynaha u sheegeen in ay aad ugu Faraxsan yihiin isla markaana ay ka mabsuudeen Qodobadii lagaga wada hadlay kulanka

Dhankoodana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-gelidoonan soona maridonaan dhamaan meelaha ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, mudada yar ee ay Somaliland ku joogaan Bookhashada kooban.
 


ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.